Ciidamada Itoobiya oo Kaniisad looga dhisay magaalada Muqdisho iyo kuux xoogan oo ka soo yeeray arinkasi
Warar isa soo taraya ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Ethipia magaalada Muqdisho ay ka dhisanayaan kaniisad ay ku cibaadaystaan taasoo fasax ay ugu helaan maamulka gobalka Banaadir.
Wararka aanu ka helnay dad la shaqeeya maamulka gobalka Banaadir oo diiday in magacyadooda la sheego ayaa ino xaqiijyay in Ciidamada Ethiopia loo dhisayo kaniisad ay ku cibaadaystaan, taaso ay ka wada hadleen maamulka gobalka Banaadir masuuliyiintooda ugu sareeya, ayadoo ugu dambayntii isku waafaqeen in la dhsio kaniisad wayn si ay ugu gutaan waajibaadka diintooda masiixiga ah.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta gobalka Banaadir ayaa muujiyay inay culays badan keeni karto arintaa, laakiin sida warar ka ay inoo cadaynayaan saraakiil sar sare oo Ethiopian ah si kulul ula hadlay, waxaana lagu qasbay inay ogolaadaan in kaniisadaas la dhiso.
Sida la filaayo dhisida kaniisadaan ayaa bilaabanayso dhawaan ayadoo marka hore si qarsoodi loo bilaabayo sida ay noo sheegeen dad ka xog ogaalka ah oo warkaan ina siiyay.
Dhisida kaniisada ay leeyihiin Misiixiyiinta Ethiopian ka ayaa ku soo aaday xili qaar ka mid ah masaajidaha Muqdisho laga dhigay kuwa aan lagu tukan, waxaana taas bar bar socota ayadoo la diiday in masaajidaha la geeyo wax kaalmo ah. Sidoo kale culumada Diinta Muqdiska ah ee Islaamka ee aaminsan in shareecada Islaamka tahay mida kaliya ee cadaalada ah waxaa laga dhigay kuwa argaxiso ah.
Si kastaba aha ahaatee mamaulka Gobalka banaadir aya aogolaaday in kanisiad laga dhiso Muqdisho ayado xilligii 17 sano ka so wareegtay Marki dagaal yahanadii USC-da ay gacantooda ku bur buriyeen kaniisada ay dhistay dowladii Kacaanka ee sida wayn ula dagaalantay Shareecada Islaamka.
Guuxa dad waynaha Muqdishuna waxa u sheegaya hadii la dhiso kaniisadaaas inay gacantooda ku burburin doonaan Shacabka Muslimiinta ah, islamarkaana Dulli uu u dambeyn Doono dad ka fasaxay in Dal islaam ah in Laga dhiso kaniisad.
Dhisida kaniisadan ayaa waxay daba socotaa ayadoo xalay Ciidamada Ethiopian iyo dumarkooda ay ku soo bandhigeen xaruntii Shirka dib u heshiisinta cayaaro qoob ka cayaar ah oo munkar ah oo u jeedadiiso ahayd inay ku muujiyaan in dalka Soomaaliya ay xoog ku haystaan oo qof Soomaali ah ka hadli Karin arinkaas.
------------------------------------------------------------------------------
I swear by Allah,today it is church ,tomorrow they will built homes for their wives from Habasha. Did i not tell you that i know how dumb these somali barbarians are? Instead of fighting the occupation force,they give them homes and places for worship. Never heard in the history of barbarism.




Waxaan maqli jirey.... "Amxaaro madax gumac galay leedahaye; Madax hadal gala ma laha" meaning, Amharas have a head that bullets can enter, they don't have a head that words can enter. Calool la'aa!
