Gaari Ural ah oo Ethiopia ay leedahay oo xalay lagu qarxiyey Shabellaha Hoose
Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Wanla weyn 24, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi qarax xoogan lagula eegtay gaari Ural ah oo ay saarnayeen Ciidamo Ethiopian aad u fara badan.
Sida ay ku waramayaan dadka degmada Wanla weyn qaraxani ayaa ahaa mid xoogan iyadoo lagu bartilmaameedsadey ciidamadan Ethiopianka ahaa oo la sheegey in ay ku sii jeedeen magaalada Baydhabo, kuwaasoo ka soo tagey Muqdisho.
Dadka degmada Wanla weyn ayaa shaaca ka qaadey in waxa gaariga qarxiyey loo maleynayo miino dhulka lagu aasey, iyadoo burbur uu soo gaarey gaarigii la qarxiyey, waxaanse la ogeyn qasaaraha ciidamadii saarnaa gaariga inta uu gaarsiisan yahay.
Ciidamada Ethiopianka ah ee qaraxaasi lagu beegsaday ayaa la sheegaya in xalay ay fariisimo ka dhigteen deegaankaasi, iyadoo aan kala caddeyn bal in ay sameyn doonaan baaritaano iyo in ay sii wadan doonaan safarkoodii Baydhabo.