Weeraro loo adeegsaday Hoobiyeyaal iyo Baasukayaal ayaa xalay lagu qaaday Ciidamada Ethiopianka ee fariisinka ku leh Deegaanka Janta Kundishe ee Duleedka Magaalada Beled Weyn.
Weerarkan oo ahaa mid culus, isla markaana daryanka Madaafiicda iyo qoryaha boobayaasha aad looga maqlay ayaa hareeyay Magaalada Beled Weyn.
Kooxaha ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee beryahan isku uruursanayay Gobolada Dhexe ayaa weerarkaas geystay, iyadoona Ciidamada Ethiopia rasaas culus kaga jawaabeen.
Ma cada qasaaraha soo gaaray Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Fariisinka Ganta Kundishe ee Duleedka Beled Weyn, waxa weerarka lagu qaaday xalay uu ahaa kii u horeyay ee lala eegto, marka laga reebo Miinooyinka qarxa oo gawaari sii galeysay xeradaas kal hore lala eegtay.
Ciidamada Ethiopia ayaa baaritaan saaka ka bilaabay duleedka Magaalada Beled Weyn, iyagoona hakad geliyay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha Hiiraan iyo G/gaduud.
Maalimadii shalay ayay aheyd markii gawaari Ciidamo Ethiopian la socday wadada ay u galeen Kooxo Hubeysan, xilli ay marayeen Degmada Matabaan, kaasoo weerarkaas noqday mid labada dhinac ay isku fara saareen
http://www.jowhar.com/news/news.php?readmore=2445