Postby The_Emperior5 » Thu Nov 29, 2007 4:06 pm
Xagee bay ku danbaysay 30-kii Maalmood ee ku saabsana soo celinta gobolka Sool ee magaalada laascaanood.
Kadib markii Magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka Sool ay la waregeen maleeshiyaadka somalididka ah ayaa arrintaasi waxa ay ku soo beegantay xili kalafadhigii 19- Baarlamanka Putland uga furmayo Garowe.
Kadibna Baarlamanka Puntland kulamo badan oo arrinta Laascanood ay ka yesheen ayaa ugu danbeyntii waxay go'amiyeen in Xukuumadu ay mudo 30 Casho ah ugu soo celiso Gacanta Puntland Magaalada Laascanood hadii kale kalsoonida xukuumadu ay lumayso.
Hadaba wakhtigii 30-ka Casho ayaa waxa ka haray dhowr malmood oo qura islamarkaasna ma muuqato iminka dadaalo xukuumado ay ku doonayso in arrintaasi ay wax kaga qabato.
Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka Puntland oo arrimhaasi an waydiinay ayaa waxaa ay tilmaamayaan hadii wakhtigaasi uu dhamaado in loo diyraar garobayo isbedel sababtoo ah waxa meesha ka bexeysa Xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Gen: Cade Muuse Xirsi.
Xildhiibanada Baarlamanka ayaa ugu baaqay Dadweynaha Reer Puntland in fiiro gaar ah ay u yeshaan arrimaha imika taagan gaar ahaan wakhtiga sodonka casho ah ee dhamaanaya.
Siyaasiyiin badan oo mudo badan ku taamayay in ay qabtaan Talada wadanka ayaa iminka arrintaasi iyo fashilka ku yimi xukuumada u arka jaanis u suurta geliya in ay madax ka noqdaan hogaanka Puntland.
Dadweynaha ku dhaqan Puntland ayaa inta badan isweydiinaya in Xukuumada Cade Muuse Xirsi ay ku dhaqmi doonto sharciga iyo in ay iska dhegatiri doonto, balse dad badan ayaa ku doodaya hadii xukuumadu ay iska dhegatirto ku dhaqanka sharciga in ay ka dhalan karto Bur bur iyo Dagaalo sokeeye.
Isha Dadweynahu waxa ay wada saarantahay Xubnaha Baarlamanka ah iyo sida ay sharciga u meelmarin lahayeen.
Sikastaba ha ahatee Qaar ka mid ah Taagerayasha Dowlada Cade Muuse ayaa ku baaqaya in Dowladau ay muujiso wakhtiga u haray firfircooni si u badbaadi jiritaankeedu.
Cabdi Samed
Nairobi Kenya