Postby XidigtaJSL » Fri Nov 30, 2007 9:08 pm
Wakhtigii loo qabtay xukuumada Cadde Muuse oo ku eg maanta?Ma is casili doonaa?
Warkii 30-Nov-2007 iyo Qormadii: Hassan Dirie Jama
Waxaa maanta ku eg wakhtigtii loo qabtay xukuumada uu gadhwadeenka u yahay boqor General,madaxweyne Cadde Muuse,wakhtigaas oo golaha laftigiisu fadhiidka ah ee ku shaqeeya laaluushka ee baarlamaanka Puntland ay u qabteen xukuumada inay dib u soo celiso magaalada Laascaanood iyo dhulka kale ee gacantooda ka baxay.
Hadaba muddo haatan laga joogo 29 maalmood ayaa Baarlamaanka Puntland kalfadhigiisii caadiga ahaa ee ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta u ah Puntland waxay,isla eegeen sida laga yeeli lahaa xukuumada Cadde,oo ku guuldaraysatay sugida xuduudaha maamulkaas,iyo iyadoo waxba ka qaban weydey difaaca dalka.Dood badan iyo falaqan ay galeen Baarlamaanku waxa laysla meel dhigay in Cadde Muuse xukuumadiisa loo qabto mudo dhan Bil taas oo lagu amray inuu mudadaas ku soo cesho magaalada Laas-caanood hadii kale Booska uu ku fadhiyo Cadde Muuse loo dooranayo shakhsi kale oo Laascaanood soo celinkara,maalintii loo qabtay oo maanta ku eg.
Hadaba hadii Cadde saacadaha soo socda uu ku soo celin waayo Laascaanood,waxaa sharciyan ah in uu is casali,oo kala diro dawlada,arimahaasna waxaa iska leh baarlamaanka oo loo baahan yahay inaay waajiboodkooda gutaan,hadii kale iyana waa inay meesha baneeyaan.
Magaalooyinka Puntland ayaa hataan waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan dhicitaanka dawalada inkastoo aaney ka muuqan magaalada Garoowe dadka Siyaasada Cadde Muuse ee guracan ka soo horjeeda ayaa fursadan ka faa iidaysan doona iyagoo ay soo baxayaan Musharaxiin badan oo durba isu soo taagay korsiga Cadde Muuse inay ku fadhiistaan.
Guud ahaan magaalooyinka Boosaaso,iyo Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq,iyo shirar gooni gooni ah,kuwaas oo xaalada ka dhigaya,mid keeb la yuurar ah,taasoo laga munaaqashoonayo sidii isbedel deg deg aqh u imaan lahaa,iyo cida bedelaysa Cadde,iyoi xukuumadiisa.
Isku soo duuboo Dadka Siyaasada ka falan qooda ayaa Masiirka ay Puntland ku danbayntooda ku tilmaamay mid aad khatar u ah iyagoo ay saadaadliyeen in ammaan xumi ay ka dhacaan Gobolada laysku dhaho Puntland taas oo ah wax aad looga naxo waxana dushana looga tuurayo arimaha halkaas ka dhaca Cadde Muuse iyo kooxa ah Boorsada u sida.
Waxaa soo food saartay maamulka Puntland xaalad cakiran oo keentay in lagu dhawaaqo maamulka Maakhir state,iyo in Laascaanood iyo badnaa gobolka Sool gacantooda ka baxo.
Hassan Dirie Jama.
Afnugaal online.
Contact:info@afnugaal.com