Ciidamo iyo gawaari dagaal oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, isla markaana gurmad ahaan ugu sii jeeda Magaalada Jowhar oo saaka dagaal uu ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in Ciidamadaas lagu galay Deegaano ku dhow Magaaladaas.
Wararka aanu ka heleyno Bariga Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ku hubeysneyd ilaa 3 gawaarida Dagaalka ayaa iska hor imaad waxa uu ku dhex maray Deegaanka Balcaano oo ku dhow Jowhar dadka deegaanka sida aanu ku heleyno ilo wareedyo.
Iska Hor Imaadka Hubeysan ee dhex maray Ciidamadaas Gurmad ahaanta uu Maxamed Dheere ugu diray Magaaladaas iyo Dadka Deegaanka ayaan la ogeyn qasaaraha uu sababay iyo waxa keenay, xilli xiisad ay ka taagan tahay Gudaha Magaalada Jowhar.
Ciidamadan oo ku hubeysan Gaariga loo yaqaan Zuuga iyo Labo kale oo ah kuwa Cabdi Bilaha Loo yaqaan ee qoryaha ku rakiban yihiin, ayaa saaka ka tagay Magaalada Muqdisho, xilli dagaal qaraar uu ka soconayay Magaalada Jowhar, waxaana dagaalka oo ahaa mid u dhaxeeyay Axmed Jaandhaay oo walaalo ay yihiin Maxamed Dheere iyo Maleeshiyada Xuseen Dheere ee Beesha Maxamed Muuse.
Inkastoo ay socoto dadaalo lagu dhameynayo gacan ka hadalkii saaka dhex maray Labada Kuxigeen, ayaa hadana waxaa la ogeyn sababta keentay in Ciidamo ka tirsan Beesha Warsangeli ay gurmad ahaan u aadaan Magaalada Jowhar.
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa durba walaac ka muujinayay arrintan cusub oo ay sheegayaan in ay keeni karto ciifad xoogan oo laga yaabo in ay isu rogto dagaal beeleed.
Sida muuqata Ciidamadan ka baxay Muqdisho waxay garab u yihiin Maleeshiyada kale ee taabacsan Axmed Jaandhaay oo Jowhar uga wakiil ah Walaalkii Maxamed Dheere oo horay u maamulayay Magaaladaas, balse haatan madax ka ah Gobolka Banaadir, iyadoona wali Maxamed Dheere lug ugu jirto Magaaladaas oo maamulka Gobolkaas ay ka mid yihiin Rag horay uga tirsanaa Maamulkiisa.
Jowahr News
dayniilecom@hotmail.com
------------------------------------
Dameers turning the barrel of the ethiopian borrowed guns on each other.



