as the freedomfighters laungh the usual night attacks.........the occupiers are refused to get some sleep,.mortars and machinegun through the night in the occupied capital
Iska hor imaadyo caawa ka dhacaya Muqdisho
Posted to the Web Dec 05, 21:31
Iska hor imaadyo qaraar ayaa waxa uu caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somalia oo dhinaca ah iyo kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid si weyn looga maqlayay madaafiicdii la isweydaarsanayey xaafadaha qaar ee Muqdisho ayaa waxa uu socday muddo ka badan 30 daqiiqo, waxaana u ka dhacay xaafadaha Black sea, Albaraka iyo Shineemo walaalo iyo deegaano kale oo u dhow dhow.
Lama oga wali qasaaraha uu geystay iska hor imaadyadaasi, waxaa wali la maqlayaa rasaas goos goos ah oo la isweydaarsanayo.
Xaafado kale oo ka mid ah degmada Hodan ayaa laga maqlayaa dhawaqa rasaas la isweydaarsanayo.
Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay dagaaladan oo ka tirsan maamulka dowladda Somalia.
Kala soco wararkii ugu dambeeyay