Kooxaha Al Shabaab oo daagal kadib qabsaday degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.
Posted to the Web Dec 08, 14:02
Wara naga soo gaaray degmada Buula Barde ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gacanta u gashay Kooxo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda dawladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Hiraan.
Kooxaha Hubeysan ee qabasaday degmada Buula Barde ayaa la sheegayaa in ay isku dhac sidaasi aan xoog badneyn ay la galeen Ciidamadii maamulka degmadaaasi halkaasina ay qof kamid ah ku dhaawaceen.
Dadweyne aad u careysan ayaa ku xoomay saldhiga iyo xafiisyadii maamulkii degmada iyadoona ay halkaasi dhac xoogan ugu geysteen,sida ay sheegayan wararka aan halkasi ka helnay.
Kooxaha Hubeysan ee la wareegay degmada Buula Barde ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadka deegaankaasi markii dibad bax isugu soo baxeen,iyagoona u sheegay in ay usoo celin doonaan kala danbeyntii magaalada iyo nidaamka.
Dad ku dhawaaqayay ''Allaahu Akbar''ayaa la sheegayaa in ay ku sugnaayeen dibad baxa lagu soo dhaweeyay kooxaha la wareegay degmada Buula Barde iyadoona maamulkii degmadaasi ay u kala firxadeen meelaha keymaha ee degmada.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Daba Geed ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlay la wareegitaanka degmada Buula Burde waxaana uu sheegay in uusan diyaar u aheyn ka hadalka arrimahaasi.
Xafiiska wararka soomaalinews.com,Muqdisho



