Mogadishu clean up enters second phase , hunt for elders of looters begins
Muqdisho: Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in baadi goob loogu jiro odayaal sheegta Beelaha ******
8. December 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" ayaa sheegay in baadi goob loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa odayaasha garab ka mid ah beelaha ****** kuwaasi oo maamulka Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay iney ku lug leeyihiin dhibaatada magaalada Muqdisho iyo weerarada lagu qaado xarumaha ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya.
"Axmed Diiriye waa xeran yahay, caddaalada ayaana sugeysa, kooxdii uu ka tirsanaa ee uu hoggaamiyo Xaadna ayaana raadineynaa oo baadi goob ayaan ugu jirnaa" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in beesha ****** aysan qabin wax Afhayeen ah isla markaana uusan aheyn Axmed Diiriye buu yiri Afhayeen ******.
"Gobolka Banaadir wax hub ah looma ogola in lagu dhex qaato marka laga reebo ciidamada, qof hub lagu qabtana waad garan kartaa, waxaana u gudbinay haweeneydaasi qeybta la dagaalanka Argagixisada oo baaris ku sameyn doona" ayuu yiri Md. Maxamed Dheere oo ka hadlayey ciidamada Gobolka oo gacanta ku dhigay haweeney sidatay Bastoolad iyo lacag Afar Kun Dollar ka badan taasoo looga shakiyay in ay howlgal fulin rabtay.
Guddoomiye Maxamed Dheere ayaa sheegay in wadooyinka haatan la furay ee horay y xernaa loo xeray arrimo nabadgelyo dartood, isla markaana goobahaasi ay xiligan u muuqdaan kuwa ka soo raynayso xaalada ay horay u ahaan jir iyo tan hada ay ku sugan tahay, taasoo uu sheegay in ay ku timid howlgalada ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka fuliyeen.
Ugu danbeyntii Maxamed Dheere ayaa sheegay in xubnaha ka soo horjeeda dhismaha xukuumadda cusub ay yihiin kuwo fikir leh balse isaga maamul ahaan uu u arko in loo hoggaansamo awaamiirta Madaxda sare ee dowladda lagana wanaagsan yahay khilaaf hor leh oo xiligan bilowda.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho



