[b][color=#000080][/color][/b]
[u][/u]DHACDO GAABAN:
[u][/u] Abaaro 3:30 galabnimo ayey ka soo toostay hurdo duhurkii saaka ay dabada qabsatay, qubaysi boobsiis ah intay qaadatay ayey hal-haleel ku lebistay sed is leh oo ahaa kuway dharkeega ugu jeclayd.
shaati aad cidhiidhi ugu ah markay xidhanaysayna ay ka mudatay rafaad iyo dhib badan, badhamada markay u xidhaysay waxay ka cabsi qabtay in ay ka go'an!
dhamaan jidhkeegii sare waxa uu ahaa mid xubin-xubin u muuqday, cabirka naasaheega goolka ah iyo caaradooda hore ee soo taagan si aan mugdi ku jirin ayaa looga dhex dheehan karaayey.
haaf gaaban oo lawga u jooga miskahana u yar ayey jujuub ugu dirqiday jidhkeega inta hoose u waynaa, nuxurka ay ka lahaydna waxa uu ahaa in si fiican u muujiso bowdyaheega iyo badhyaheega oo ka mudnaa is cajabin gaara oo aanay inta kale jidhkeega u hayn.
kabo cidhib dhaadheer ayey isku taagtay markay ku talaabsatayna jidhkeegii xubin walboo ka mid ahi iskeed u ruxantay!!!
okiyaalo ay ula xulatay dharkay labisatay nidabkeega intay dhaayaha ku qaadatay ayey cadar Hugo For women noociisu yahayna si hagar la'aana ugu buufisay jidhkeega oo muraayadii kolba gees iskaga daawatay, markay iska bogatay inta ay buugaagteedii ay private shcoolka ku aadaysay oo miiska u saarnaa far iyo suul ku qaadatay gacanta kalena ay mobile noocii ugu danbeeyey ku laalaadsatay oo tiiyoo balo ka dhacayso sida da'uuska u tal-talaabsanaysa ka anba baxday gurigoodii.
muna oo deriskooda ahayd inta badana prite schoolka isku raaci jireen ayey sii martay.
muna oo dhabanada haysata kana yaaban sida ay maanta saxiibdeed uga soo badbadisay! ayaa tidhi:
{Bisinka!Alla..! naa huda waa ku sidee ma sidan ayaad damacsantahay in aad dadka ku dhex marto?!}
huda oo hadalka saaxiibadeed wax macno ah u samaynayn, ayaa si hawl yaraana tiiyo isba dhibib u jawaab celisay oo tidhi:
{qof waliba waa xor! ma cid ayaa dayn igu leh maxaa aniga iga galay dadka!!}
muran badan may wadin way habsaansanaayeen markiiba halkii ay baska ka raacayeen ayey soo joogsadeen.
Huda: {Ufff!! baska baasi ma anaka ayuu na eegtaa hadaba}
sidaa ayey ku tiri cod la maqli karo oo ay nafteeda la hadlayso tiiyoo sacadeeda kolba hoos u fiirinaysa, balse warba umay hayn in dadka ruuxii dhaafaba iyada ku maqanyahay!!
kuwo cawradeeda banaanka taal ka yaxyaxa oo hoosta nacdal uga yeedhiya iyo kuwo kale oo intaa ka helaaya kuna doogsanaaya bilicda rabi siiyey ee banaanka ay soo dhigtay!!
halka ay saxiibadeed muna khajilaad darteed cidiyaheega ay cunaysay iskuna canaananaysay soo raacitaankeeda.
intii ay sugitaanka baska ku jireen ayey ayey ku war heleen gaadhi noociisu yahay Mezda oo modelkii ugu danbeeyey ah muraayaduhuna u dalacanyihiin oo hortooda soo joogsaday!
inta muraayada si tartiiba loo dejiyey ayaa uu ka soo dhex muuqday wiil dhalinyaro ah oo aad u xaragoonaya isteerinkana haysta.
wiilkii: {inaabti soo fuula waxaan filayaa in aad habsaanteen!}
wuxuu ku yidhi cod uu xaragaysiiyey,beerlaxawsi iyo halaasi uu haasawe ku abuuraayana ku dhex lifaaqay.
muna:{waar soco!! cidi kaamay dalban qaaditaane, raadso nooca baabuurta raacidooda u baroorta!!!!}
ayey hadal xanafleh oo xayrasan ku tidhi ayadoo ka cadhaysan wiilkan af-dheeridiisa.
markiiba huda ayaa soo booday oo muna canaanatay, iyadoo raadkii colaada rabta in ay tirto tidhi:
{inader raali ahow waa mid baase!! dad oo idil sidaa ayey u xagataaye!}
wiilkii oo aad uga mabsuuday raaligalinta huda oo u noqotay dhiiri galin ayaa isaga oo qoslaaya yidhi:
{waxba dhiba kamaan soo qaadin ee soo fuula gaadhiga idinka dartiin ayaan meesha u taaganahay.}
muran hoose ayaa durbadiiba labadii hablood ka dhex bilowday, aynu fuulno iyo fuuli mayno ayey isku qabteen.
huda intay saaxiibadeed gacanta jiidatay oo ay bariday ayey gunta u galeen gaadhigii oo bartii xawaare kaga dhaqaaqay.
markaas ayaa xoriyad labadoodaba ugu danbaysay, wiilkii gaadhiga watay oo af miishar ah halka haasawaha iyo halawsiga haweenka la dhigana aad moodid mid jaamacad takhasusu uga soo qaatay waxa uu ku guulaystay in uu hablihii dhalin gediyo jihada ay rabeen maahee tuu rabay ayuu ku hanuuniyey.
may lahayn awood diidmo iyo mid is difaac midna, dhamaan muraayadaha iyo daaqadaha gaadhiga waxa uu ku wada rogay lock!! xawaaraha uu gaadhigu ku xiimaayeyna marna 100 KMH in uu ka kordhiyo mooyee kamuu soo dhimin.
wiil kale oo ay saxiibo yihiin oo uu intii mobile ka ku sii balamiyey inta uu dhexda ka sii qaatay ayaa deg-deg magaalada looga baxay.
gabalku waxa uu ugu dhacay iyaga oo xawli ku sii haadaya jidka wayn ee dhanka galbeed magaalada uga baxa una sii jeeda jiho aanay garanayn hablaha la soo afduubay.
Note!! ( in baan ka dhex saaray sheekadan madaamo laga yaabo in ay akhrisan karaan under 18 dad levelkoogu yahay)
subaxnimadii maalintii dabe ayaa la soo celiyey labadii hablood oo hiil iyo habarba u jabay!!!!!!!!!!! bartii uu ka qaatay casar dheeriihii shalay ayuu ku soo qubay sidii ay qashin yihiin oo kale.
midkoodna may awoodi karayn hadalka socodkuna dirqi ayuu ku ahaa.
" ubixii mar magoolaa quruxdiisu iftiintaa
marbuu helaa dulin iyo diir diiratoo
u eekaysiisa abaar iyo caleen omos la hoobatay!!"
guntii iyo gabo gabadii:
tani waa halis kulaalaysa habala da'yarta casrigan oo hubsiimo socodku noqday dastuurka koowaad ee haga caqligooda aan ku hanuunsanayn diintii iyo dhaqankeenii wanaagsanaa.
hablow hubsada halka aad talaabada dhigaysaan.
The End


