Tacsi ku socota Ehelkii Munira Mohamed Yusuf, aqaariibteedii, asxaabteedii iyo Ururka NOMAD.
Wuxuu ururka SIRAG tacsi u dirayaa ehelkii Munira Mohamed Yusuf, aqaariibteedii, asxaabteedii iyo Ururka Nomad eey ka geeriyootay walaasheen Munira. Waxaanu Ilaahay(swt) ka baryaynaa inuu marxuumada Janatal Fardowsa ka waraabiyo kuligeena samir iyo iimaan inaga wada siiyo oo halgankay wadankeeda u soo gashayna Ilaahay marxuumada ka abaal mariyo. Walaasheen Muniira waxay ahayd dhalinyarta u halganta wadankooda hooyo ee hagar la’aan ugu shaqaynaysay dadkeeda iyo dalkeedaba, hir galisayna magaca iyo sharafta ay dhalinyartu ku leeyihiin taariikhda wadankooda hooyo. Waa in aan la ilaabin shaqaday dhalinyartu wadankooda u soo qabteen una hayaan iminka si ay ugu daydaan kuwa soo korayaana.
Nabigeena(scw) oo ah raxmad loo soo diray caalamka iyo wuxuu Ilaahay khalqay ayaa inoo sheegay inaan had iyo jeer naxariis kula dhaqano dhalinyarteena.
Allahuma sali calaa Sayidinaa Mustafa, wa calaa Ahl al Bayt Mustafa, Aamiin.
We Salute you Sister Munira with tears of Patriotism.
Words can not describe your patriotism and dedicated love that you’ve showered on Somaliland.
Daughter of Somaliland your sudden departure has left a hole in our hearts.
You were indeed a Pillar, a noble one and a shining Star among the Youth and Diaspora of Somaliland.
By the Praise of Almighty God we will honour your efforts.
Farewell sister, Farewell beloved daughter of Somaliland.
We leave you in the Company of Almighty God and our beloved Mustafa(scw).
O God shower thy blessings upon Mustafa and Ahl al Bayt of Mustafa, Aamiin.
Marwo Lulu Farah
Gudoomiyaha ururka SIRAG
www.sirag.org.uk
siraguk@hotmail.com



