Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo howl ka bilaabay Kismaayo
7/12/07- (Kismaayo); Xubno ka tirsan Guddiga dib - u-heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya ayaa ka bilaabay Magaalada Kismaayo dadaal ay ku qabanayaan shirweyne lagu dhexdhexaadinayo qaar ka mid ah Beelaha dega gobolka J/Hoose oo sanado badan ay u dhexeeyeen dagaal ku saleysan gacan ku haynta Kismaayo.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga dib u heshiisiinta qaranka, Maxamed Cali Cabdi ayaa ku gudajira kullamo ay la leeyihiin Beelaha, ururada Bulshada iyo culimada, si loo bisleeyo taabogelinta shirka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dawlad Somaaliyeed ay u qabato Beelaha Jubbooyinka.
ilaa iyo iminka Beelaha ay kullmada la yeesheen Guddigu ayaa soo dhaweeyay dadaalkooda, waxaana ay sheegeen in ay ka go'an tahay qabsoomida shirka iyo meel marinta heshiiska lagu gaaro.
Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga dib uheshiisiinta waxaa uu sheegay in Beesha caalamku ay gacan ka geysnayso qabsoomida shirka oo loogu talogalay adduun gaaraya hal milyan iyo bar - $US 1.500.00 - ee Doolarka Maraykanka.
'"Kalsooni ayay na siiyeen labada beelood ee Sade iyo Kablalax, waxaana aan todobaadyada soo socda bilaabaynaa dayactirada Goobta shirka lagu qabanayo oo aan u astaynay Tiyaatarkii hore ee Gobolka J/Hoose" ayuu yiri Maxamed Cali Cabdi oo ka hadlayay Shir jaraaid oo uu maanta (6dii Disenber 07) ku qabtay Hoteelka Xareed ee waqooyiga Kismaayo.
Dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa si aad ah u hadal haya dadaalkan cusub ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro mid ka mid ah ismaandhaafka (khilaafka) ugu qalafsan Koonfurta Somalia, kuna saleysan cidda maamulaysa magaalada Xeebta ah ee Kismaayo.
Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen Baqow ayaa rajo ka muujiyay in wadahadalada la abaabulayo ay ugu dambayntii keeni doonaan xal waara oo loo helo Mashaakilka Kismaayo waxaana uu tibaaxay in Beesha uu ka soo jeedo ay sii go,aansatay qabsoomida shirka.
Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe ayaa isna muujiyay baahida loo qabay in kal hore loo istaago xalinta khilaafka, ayna ka go'an tahay in la meelmariyo shirka oo uu ku tilmaamay mid ka abuurmay kullankii Guddi hoosaadyo ka socda labada beelood ay ku yeesheen Muqdisho markii uu soconayay shirkii Beelaha Somalida.
Hadalka ay sii daayeen hoggaamiyeyaasha dhinaca dhaqanka ee labada beelood ayaa yididiilo cusub ku kordhisay rajada ay dadka Kismaayo iyo Guddiga dib uheshiisiintaba ka qabaan in uu guulaysto dadaalka shirka lagu qaban qaabinayo.
aqoonyahan iyo qurbojoog ka soo jeeda Beelaha la heshiisiinayo ayaa ku soo qulqulaya Kismaayo si ay gacan uga siiyaan waxgaradka Beelaha in si cilmiyeysan loo eego gunta hoose ee khilaafka.
Drs Shukri Aaden-low oo ka timid dalka Britain oo kullan la yeelatay odayaasha dhaqanka iyo Guddiga Siyaasadda ee haatan maamula Kismaayo ayaa ka codsatay in laga dhabeeyo wadahalada madlan, iyadoo la eegayo maslaxadda iyo mustaqbalka faca dambe iyo caruurta maanta.
'"Dagaalka iyo nabadaba waxaa ay u baahan yihiin Geesinimo sidaas`awgeed waxaan rajaynayaa in aad guntiga dhiisha isaga dhigtaan aadna qaadataan wax kasta oo ay idinka tabtaan walaalihiin" ayey tiri Shukri Aaden-Low.
Xiisadaha Jubbooyinka oo qayb ka ahaa colaadihii baahsanaa ee soo maray Koonfurta Somalia ayaa dib u billawday horaantii sanadkaan xilli la la filayay in ay dalka ka sii dabar go,ayaan dagaalada ku salaysan qabyaalada, waana sababta uu Guddiga dib u heshiisiinta qaranka oo Kismaayo ugu hormiyay 72 degmo oo ka tirsan dalka oo ay wadahadalo ku qaban doonaan ka hor sanadka 2009ka oo uu waqtigu ugu egyahay.
Nasteex Daahir, Kasmo - Kismaayo