baaq ay soo sareen taliyayasha ciidanka buuhoodle
ku: dhaman bulshada ssc
ku: dhaman isimada cuqasha waxgaradkii kaqaybgalay shirki boocame
hadii anu nahay taliyayasha abanduulayasha ciidanka buuhoodle waxan cadaynayna in anu marnaba naga go.antahay an an ladagalaano cadawga kusoodulay caro dhulbahante.
waxan cadaynayna dagalka ama difaca dhulka in uu naga go.anyahay hase ahatee anan marnba ku dagalami doonin shatiga ama magaca puntland sababajira awgood.
taniyo intii ladhisay dawlada puntland ee cade muse madaxda kayahay majirin waxa xidhiidh buran o naga dhexeeyey ciidanka buhodle iyo puntland.
waxan marlabad ku celinayna in anu tagersanahay dhaman qodobadii kasoo baxay shirki boocame ee dhulbahante kana midnahay difaca iyo xoraynta dhulka dhulbahante waxanuna awood uleenahay in anu difacno dhaman ssc.
waxanu cadaynaynaa in anan aqbalin talisyada cusub ee dhawan uu magacabay madaxweynaha puntland ee uu usoo magacabay dhaman goblada ssc
1 gaashaanle sare ismaciil xashi badari
2 gaashaanle sare cabdilahi kayse adan dirir
3 gaashaanle dheexe cabdiraxman cabdilahi axmed (afwayne)
4 col. axmed jamac dhuux
5 dhamme dhagaweyne xaji guuled culijoog
6 dhame cumar boobe
7 gaashaanle sare cabdilahi adan qanbi (faragod)
8 dhame cawl cali samater




