Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka Badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo iscasilay.
Warkii 12-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Waxaa iscasilay wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Siciid Maxamed Raage waxaana uu iscasiladiisa ka sheegay laanta afka soomaaliga ee BBC-da mar uu waraysi siiyay saaka subaxnimadii lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysay iscasilidiisan.
Wasiirka ayaa waxa uu ku sheegay iscsilidiisan mar uu warsiga bixinay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxwaynaha Puntland kaas oo ku saabsan khayraadka badda iyo sida loo maamulayo isagoo wasiirku sheegay inuu doonayo in jeebkiisa ay ku dhacaan dhaqaalaha kasoo xerooda badda iyo dekadaha madaxwaynuhu.
Wasiirka ayaa intaa waxa uu ku daray inay isku qabteen madaxwaynaha dhaqaalaha kasoo xerooda dekada magaalada boosaaso uu madaxwaynuhu uu si toosa ugu rito Banka uulee yahay waxaa sidoo kale uu ku eedeeyay in shirkada Al-Xayaat uu madaxwaynuhu u ogolaaday in dhaqaalaha kasoo baxa Badda ay ku ritaan jeebkooda taas oo ugu danbayntii keentay in shirkado ajaanib ah ay iska soo galaan xeebaha Puntland si sharci darro ah.
Siciid Maxamed Raage oo ah wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka Badda ayaa mar uu ka hadlayay inuu arinkaasi kala hadlay madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu marar badan uu kala hadlay laakiin uu adeegsaday diidmo qayaxan sidoo kale uu xitaa u bandhigay Baarlamaanka Puntland sidoo kalena uu adeegsaday diidmadaasi.
Hadaba iscasilada Siciid Maxamed Raage ayaan la ogayn inuu madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse uu ka aqbalay iyo in kale iyadoo iscasilidiisan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Puntland uu ku jiro kala daadsanaan dhan walba ah uusana taag uhayn siyaasad xumo kaga timaada gudihiisa.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com



