Postby new-york23 » Wed Dec 12, 2007 4:46 pm
walee kismayo is cursed.this city will never peace.
Ugaas Maxamed Wali oo ah Ugaaska Sade kana mid ah Kooxda Tuulada Asmara ayaa banaanka Magaalada Kismaayo ka bilaabay abaabul dagaal xoogan. "48-saac gudahood ayaan Kismaayo ku laabanaya awood ayaana kaga saarayaa Maleeshiyada haysata iyo Odayasha Dhaqanka isku sheegaya" Ayu si kulul u yiri Ugaaska.
"Waxaan joogaa meel aan ka fogeyn Kismaayo , waxaan ku jiraa Diyaargarow dagaal magaaladana waa ka saararaya Maleeshiya beeledka dadka dhibka ku haya iyo odayasha sheeganaya dhaqan ayaan nahay ee aan rabin in Kismaayo ay noqotaa meel Islaamka uu ka shaqeeya oo ay Saldhig ka dhigtaan Dagaalyahnada ku jira Xureynta Dalka " Ayu si kulul u yiri Ugaas Maxamed Wali oo aan kula hadalnay meel uu qadka ateenada telefoonka aad u liito oo u muuqatay in ay tahay hawdka kismaayo.
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ugaaska ay soo gaareen Maleeshiyaad gaaraya ilaa 400 oo ah Al-Shabab garabka Xasan Turki halkaasna ay hada uga bilaabatay leyli ku aadan weerar ay ku qaadaan Magaalada Kismayo ee laga soo raacdeeyey.
"Munaafaqnimada Kismaayo taala yeeli mayno ha cadeeyaan meesha ay yihiin dhinacyada Dalka isku haya , hadii ay diyaar u yihin Xuretynta Dalka waa in Saldhig ay u noqataa Mujaahidiinta hadii kale waa in Ethopianka ay la soo saftaan " Ayu ku qeyliyey Ugaaska oo hadaladiisa laga dareemi karay in uu aad u careysnaa ayna ka go'neyd in uu weeraraa Kismaayo si walbaba.
Ugaas Maxamed Wali oo ah Nin sheegta Ugaaska Sade ha yeeshee ay beesha sade ku diideen aya hadana waxaa lagu xasuustaa sidii uu Kismaaya kaga saaray barre Hiiraale markii uu u kaxeystay Maleeshiyadii Maxaakimta gaar ahaan kuwii Xasan Turki
Weerarka uu damacsanyahay Ugaaska Wali ayaan la aqoon sida ay ugu bareeri karaan Maleeshiyada beesha Sade ee halkaa joogta.