Baaq ku socda maamulka somaliland oo ay soo saareen qaar kamid ah Odayaasha reer Sool.
Warkii 13-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Baaqan ay soo saareen qaar kamid ah Odayaasha reer Sool ayaa waxaa uu saaka soo gaadhay xafiiska shabakada afnugaal.com ay ku leedahay magaalada Laascaanood waxaana ay maamulka Somaliland kala hadlayaan qaabka loo soo magacaabo xubnaha Gobolka iyo in wadatashiyo dheeraad ah ay la sameeyaan iyo waliba awood qaybsiga dawlada.
Ku: Madaxwaynaha Somaliland
Ku:Madaxwayne kuxigeenka Somaliland.
Og: xildhibaanada iyo Golaha Guurtida ee Somaliland.
Ujeedo: Bayaan.
Anagoo ah guurtida dhulbahante,cuqaasha iyo wax garadkaba waxaan usoo gudbinaynaa madaxda Somaliland bayaankan waxaana ugu horayn ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan guud ahaan Somaliland nabad galyo.
ugu horayn maamulka Somaliland iyo dhulbahante wax makal qoran ee waa inuu miis isugu yimaada oo ku heshiyaa awood qaybsiga Dawladnimo iyo maamulka Somaliland.
waa in Gobolada SSC aan wiil yar oo hargeisa joogay aan loo soo dirin masiirka umaduna kuma jirto.
waa in aan Goboladan aan loo soo dirin dad aan matali karin shacabka sumacadna aan ku dhex lahayn ama aan buuxin karin.
waxaan ka digaynaa in aan lagu xadgudbin sharafta,karaamada iyo qaranimada beelaha dega SSC.
waa in lasoo mariyaa beelaha waxqaybtooda dadka masuuliyiinta u ah si ay ugaadaan in aan si doc ka tuur ah wax loo qoran.
waxaan dawlada usheegaynaa in aan la ogalaan doonin ciddii sidaa lagu magacaabo cid kasta ha ahaatee.
waxaan idiinka digaynaa in aanu ogaalaynin aqoonsanaynina cid maamulkii hore magacowday ama si khalad ah loo magacaabay.
waxaan idiin sheegayaa in dhulbahante lee yahay masiirkiisa,maamulkiisa iyo taladiisa.
maamulka Somaliland waxaan usheegaynaa in aan doonayno in miis la isugu yimaado lana wada hadlo awood qaybsiga maamulkana laga wada hadlo.
waxaan uga digaynaa in talada dadka leh lagala tashado haddii kale ay wax badan isbadali doonaan wax badan oo lagu fakarayana la waayi doono.
Odayaasha nasoo gaadhsiiyay Baaqan:-
1. caaqil maxamed Ibraahim Ducaale
2. caaqil cali maxamed kaarshe
3. caaqil maxamuud maxamed ciise
4. caaqil c/laahi xasan cali
5. caaqil Cali Xaaji Xirsi
6. Oday Cali Nuur Maxamed Xirsi
7. Oday Cabdi Axmed Aadan
8. Oday Saxardiid Barre Bulaale
9. Oday Abshir Dhacarbe
10. Oday Cismaan Nuur Yare
11. Caaqil Dayr Cabdi Faarax
12. Oday Cabdi Xuseen kaytoon
13. Oday Cabdi Barkhadle
14. Caaqil Maxamuud Xaaji Ismaaciil
15. Oday Jaamac C/laahi Faarax
16. Oday Maxamed Axmed Cawil
17. Oday Maxamuud Ibraahim C/laahi
18. Oday Aadan Maxamed Cabdi
19. Oday Maxamuud warsame cali
20. Oday Faarax Maxamuud warsame
21. Oday Maxamed Axmed Caydiid
22. C/kariim Axmed Cali
Afnugaal News Desk



