Xoghayaha amniga qaranka 80% of somalia\'s controled by ICU
Posted: Thu Dec 13, 2007 12:25 pm
Xoghayaha amniga qaranka Sheekh Qaasim IbraahimNuur\"80% dalka gacanta dawlada kuma jirto\"
Warkii 13-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk.
Xoghayaha wasaarada amniga qaranka Sheekh Qaasim IbraahimNuur oo waraysi dhinacyo badan ah siiyey wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in awoodii maxaakiimta islaamiyiinta ahi ay soo noo noqotay oo ay dib isu soo urursadeen awoodna ay u leeyihiin inay dhulal badan qabsadaan.
\"80% wadanka Soomaaliya maaha nabad,gacanta dawladana kuma jirto,waxayna nimankaas muslimiinta ahi diyaarinayaan inay weeraraan meelo badan oo fadhiisimo u ah ciidamada dawlada iyo kuwa la saaxiibka ahba \"sidaas waxaa yidhi Sheekh Nuur Qaasim oo u hadlay wasaarada amniga qaranka oo u waramay AP.
\"Waxay nimankaas muslimiinta ahi isku urursadeen meelobadan oo kamid ah badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya,is urursigooduna wuxuu u socdaa si xawli ah oo habaysan.\"ayu yidhi Mr Qaasim.
Sanad ka hor ayay ahayd markii maxaakiimta islaamiyiinta ah loo awood sheegtay,kadib markii dabaabadaha ciidamada itoobiya oo ay weheliyaan diyaaradaha maraykanku cagta mariyeen dad iyo duunyaba,kuwaas oo weli fadhiya caasimada dalka Soomalaiya ee Muqdiosho,iyagoo xasuuqii ugu danbeeyey maanta ka geystey suuqa weyn ee bakaaraha oo ay naftooda ku waayeen in ka badan 30 qof oo u badan rayid.
Afnugaal News Desk.