Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS)

Postby KeligiiJabhad » Thu Dec 13, 2007 2:03 pm

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) oo Looga Dhawaaqay Soomaaliya, waxayna soo bandhigtay Barnaamijyadeeda Siyaasadeed
Jabhad la magacbaxday "Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya" ayaa maanta (12/12/2007) Markii ugu horeysay waxa ay shaaca ka qaaday jiritaankeeda iyo waliba Barnaamijyadeeda Siyaasadeed, xili uu wadanka Soomaaliya gacanta u galay Ciidamada gumeysiga itoobiya iyo Huwanteeda ku garabsiinaya qabsashada Wadanka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Maraykanka.

Bayaankii 1aad ee Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS)

Kadib markii ciidamada Itoobiya oo Maraykanku taageerayo ay qabsadeen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya dhamaadkii sannadka 2006 iyo horaantii sannadkan 2007, ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu aasaasay Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya; si ay uga hortagto weerarkaas dulmiga ku dhisan. Jabhaddu ilaa iyo xilligii la aasaasay waxay la gashay ciidamada cadawga dagaallo culus iyo iska hor imaadyo kulul oo cadawga aad u xanuujiyay isla markaana gaarsiiyay khasaare laxaad leh.

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) muddadii lasoo dhaafay waxaa kale oo ay fulisay hawlgalo gaar ah oo aad loo agaasimay, cadawgana waxyeelo weyn u gaystay.

Jabhaddu (JIS) iyadoo ka ambaqaadaysa istraatiijiyadeeda dagaalka waxay ka hawlgashaa gobolo badan oo dalka ka tirsan, waxayna si gaar ah xoogga u saartay caasimadda Muqdisho oo cadawgu ka dhigtay saldhigga ugu weyn.

Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) iyadoo dareemaysa muhimadda warbaahintu u leedahay muqaawamada iyo halganka ay ku jirto, sidoo kalena u aragta inay warbaahintu tahay qayb muhiim ah oo dagaalka ka mid ah ayay waqtigaan goosatay inay daaha ka qaado jiritaankeeda si rasmi ah iyadoo kusoo beegtay xilligaan inay soo bandhigto siyaasadeheeda iyo barnaamijkeeda shaqo; si ay u gudato waajibka ka saaran difaaca Diinta, Dadka iyo Dalkaba.

Sababaha loo aasaasay Jabhadda

Dhismaha Jabhadda (JIS) waxay ahayd mid lagama maarmaan ah oo ka dhalatay duullaankii dulmiga ahaa ee Maraykanka iyo Itoobiya ku soo qaadeen dalka. Asbaabta si gaar ah loo xusi karana waxaa ka mid ah:

1. Khatarta ay leedahay in Soomaaliya gacanta u gasho Itoobiya oo muddo dheer ku taamaysay in ay Soomaalida shacab iyo dhulba qabsato, oo ah damaca guumeysi ee dhul balaadhsiga, si looga tirtiro ummadda Soomaaliyeed khariidada jiritaanka.

2. Waajibka diineed iyo dadnimo ee na saaran oo keenaya in aan ka dhiidhino xasuuqa iyo falalka fooshaxun ee dadkayaga ay kula dhaqmayaan gumaystayaasha iyo kalkaaliyayaashiisa.

3. In aan ka qeyb qaadanno toosinta muqaawamada shacabkayagu kula jiro cadawga iyo sixitaanka aragtideeda ku aadan dhinacyada sharciga, istiraatiijiyada iyo siyaasadeheeda marxaladdan ku haboon.

Ujeedooyinka loo aasaasay jabhadda:

1.. in laga xoreeyo dalka gumeysiga qabsaday ee Itoobiya iyo dabadhilifyadiisa, lagana tirtiro raadkiisa xun ee uu ku reebay.

3. In aan difaacno dadkayaga, diintooda iyo dalkoodaba

4. In la mideeyo dadaalka shacabkayagu ugu jiraan iska xoreynta gumaysiga Itoobiya iyo iska caabbinta xadgudub kasta oo dibadda uga yimaada.

5. In loo hawlgalo sidii nabadgalyo iyo deganaansho loogu soo celin lahaa shacabkayaga ay naafeeyeen dagaalada sokeeye iyo duulaamada shisheeye.

6. In la dhiso dawlad islaam ah oo u adeegta danaha shacabka, soomaaliyeed, una ilaalisa diintiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Aragtida Siyaasadeed ee Jabhadda (JIS) ee ku aadan, xaaladda dalku ku sugan yahay.

1. Qabsashada Itoobiya ay qabsatay dalka Soomaaliya waa dulmi iyo xadgudub, waana arrin aan la aqbali karin marnaba. In lala jihaado gumaysigaasina waa xaq ay sugeyso shareecada islaamku, caqli fayow,iyo dhamaan qawaaniinta dawliga ah.

2. Xornimada dalka Soomaaliyeed iyo midnimada dadkiisu, waa arrin lama taabtaan ah. In laga xoreeyo dabadhilifnimo iyo faragalin shisheeyana waxay u adeegaysaa madaxbanaanidiisa.

3. In la soo bandhigo xasuuqa iyo gumaadka cadawgu u gaysanayo shacbigayaga, lalana xisabtamo cid kasta oo gacan ka geysatay.

4. Waxaanu qadarinaynaa, soona dhaweynaynaa cid kasta oo shacabkayaga ugu kaalmaynaysa in uu is difaaco, cadawgana iska celiyo.

5. Waxaanu difaacanaynaa diintayada iyo karaamada shacbigayaga, hubkayaguna wuxuu ku jeedaa cadawga na qabsaday oo kaliya, mana cadaawaysanayno cid aan na colaadin,waxaana u hawlgalaynaa sidii aan saaxiibbo u kasban lahayn.

6. Waxaan dhawraynaa akhlaaqda islaamka iyo dhaqankiisa sarreeya ee khuseeya dagaalka aan kula jirno cadawgayaga.

7. Soomaaliya waa qayb ka mid ah muslimiinta gaar ahaan carabta, waxaana ka soo horjeednaa isku day kasta oo gaar uga faquuqaya.

8. Dalku wuxuu ka dhexeeyaa Soomaali oo dhan, xilka difaaciddiisuna wuxuu saaran yahay qaybaha bulshada oo idil, qof kastana wuxuu ka qayb qaadanayaa kaalintiisa iyo awooddiisa.

9. Waxaan hawlgaladayada millatari la beegsanaynaa ciidamada gumaysiga Itoobiya; maxaa yeelay iyaga ayaa ah aasaaska mushikiladda taagan, haddii laga guulaystana, waxaa raacaya waxkasta oo la socday.

10. Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada nabad raadineed ee shacabkayaga u damaana qaadaya xaqa uu u leeyahay in uu qabsado diintiisa, una madaxbanaanado dhulkiisa iyada oo aan lagu xirin wax shardi ah.

11. Waxaan u aragnaa kooxaha kale ee muqaawamada walaalahayo aan ku wada jirno la dagaalanka gumaysiga, waxaana isu kaashanaynaa sidii aan dalka uga saari lahayn, waxaana ka dheeraanaynaa wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo khilaaf, waxaana aaminsanahay in goobtu na wada qaado, ayna noo wada baahan tahay.

12. Waxaan ku difaacaynaa xuquuqda shacabkayaga dhammaantii waddo kasta oo suuragal ah, sharcigana waafaqsan, waxaana ku dadaalaynaa in aan dhawrno oo ilaalino dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah iyo danohooda.

13. Waxaan ka ilaalineynaa hantida shacabka soomaaliyeed midda berriga iyo tan badahaba boobka iyo xadgudubka, waxaana diidannahay dhamaan heshiisyada cadowgu hoosaasinayo si uu u xalaaleysto hantida Umadda soomaaliyeed Iyo heshiiskasta oo la galay, intii uu wadanku gumaysiga, gacanta u galay.

14. kooxaha mujaahidiinta, oo ay weheliyaan, hay,adaha, iyo shakhsiyaadka kazoo horjeeda, fara galinta shisheeye, iyo gumaysiga itoobiya, iyo mashaariicdiisa, ayaa ah kuwa kaliya, ee si sharci ah u matala, soomaaliya, iyagaana ah hogaanka u munaasibka ah shacabka soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo, yididiilooyinka, shacbiga soomaaliyeed higsanayo.

15. waxaan kazoo horjeednaa, dhamaanba, go,aanada iyo xukunada foosha xun, ee lagula kacayo bulshada soomaaliyeed, waana in lasii daayaa dhamaanba dadka dulmiga lagu haysto, ee jeelasha lagu buuxiyay.

16. waa in guryahoodii lagusoo celiyaa dhamaanba dadkii la bara kiciyay, lana damaanad qaado nabadgalyadooda.

Baaq

Gabagabadii, Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliya (JIS) waxay baaq usoo jeedinaysaa; Shacabka Soomaaliyeed, kooxaha muqaawamada, dawladaha Caalamka gaar ahaan kuwa Afrika iyo dadyowga aduunka ee cadaaladda jecel:

1. Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha muqaawamada in ay si dhab ah u midoobaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala tagis, ayna ka digtoonaadaan dhagarta cadawga doonaya in uu shacabkeenna iska horkeeno; si muddada gumaysigu u sii dheeraato.

2. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga gumaysigii Yurub kaga xoroobay dhiiggiisa in uu naf iyo maal huro, una istaago sidii uu u gali lahaa muqaawamo waqti dheer socota ilaa gumaysiga ay iska dul qaadaan.

3. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee la soo saftay cadawga ummadda in ay Rabbigood u toobadkeenaan, ayna ka haraan dhaqankaan xun, waxaana u caddaynaynaa in cadawgu adeegsanayo si uu ugu gaaro danihiisa gaarka ah.

4. Waxaan ugu baaqaynaa walaalahaya muslimiinta ah shucuub iyo xukuumadaba gaar ahaan culimada iyo ducaadda in ay walaalohood Soomaaliyeed la garab istaagaan hiil nooc walba leh iyo taageero kaleba.

5. Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha Afrika in aysan maqaarsaar u noqon gumaysiga Itoobiya, ayna ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, isla markaana aysan ciidamo kale u soo dirin; maxaa yeelay arrintaasi waxay sii xoojinaysaa gumaysigii, dhibaatadii shacabka haysatayna way sii kordhinaysaa.

6. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shucuubta islaamka iyo dadka jecel xorriyadda iyo caddaaladda, kana soo horjeeda dulmiga iyo xadgudubka in ay shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan qaddiyaddiisa xaqa ah.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Guud
Muqdisho - Soomaaliya
29/11/1428H – 09/12/2007M

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 52 guests