Ciidamada DF ee Kismaayo oo heegankii ugu sareeyey la geliyey ka dib markii ay ka war heleen weerar xooggan oo magaaladaasi ku soo fool leh
Ciidamo beeleed la sheegay iney taabacsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa maanta la sheegay in la geliyey heegankii ugu sareeyey ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in magaaladaasi uu ku soo wajahan yahay weerar labo jiho kaga soo fool leh sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka J/hoose.
Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in jawigeeda uu maanta ka duwanaa sidii hore, iyadoo wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo lagu arkayey ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo gaaf wareegaya kuwaasoo hadba dhinac isu dhaafaya iyagoo si xowli ah ku socda, waxaana ciidamadaasi qaarkood la geeyey duleedyada magaalada Kismaayo si ay halkaasi ugala socdaan dhaqdhaqaaqa waxa geliya magaalada gudaheeda isla markaana uga difaacaan haddiiba duulaan lagu soo qaado magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in arintan ay ka dambeysay ka gadaal markii ay heleen warar sheegaya in magaalada Kismaayo ay weeraro kaga soo fool leeyihiin labo Jiho, wuxuua sheegay iney heleen in labadaasi Jiho midkood oo ah deegaano ka tirsan gobolka J/dhexe ay joogaan dagaalyahano uu ku sheegay iney taabacsan yihiin maxaakiimta Islaamka, halka jihada kale oo ah degmada Jilibna uu xusay iney joogaan kooxo aan la ogeyn waxa ay damacsan yihiin oo halkaasi jooga, wuxuuna sheegay oo kale iney u diyaar garoobeen sidii ay iskaga difaaci lahaayeen haddiiba labadasui jiho midkood weerar uu kaga yimaado.
Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com





