Sarkaal ka tirsan Ciidanka amaanka Kismaayo oo maanta lagu khaarijiyay Magaalada Ksmaayo.
Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan baskoolad ay khaarijiyeen Sarkaal ka tirsan Ciidamada amaanka Magaalada Kismaayo oo lagu magaaco Muqtaar Cabdi axmed ayadoona kooxaha dilka u geystayna ay baxsaday.
Sarkaalkaan ka tirsan Ciidanka amaanka Kismaayo ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday xaruntiisa shaqada isla markaana 2 nin ay wadada u galeen sida uu noo xaqiijiyay Maxamed Xaashi Tawakal oo ka tirsan shaqaalaha Idaacada Quraanka Kariimka ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamada
amaanka Magaalada Kismaayo oo durbadiiba ku qamaamay dadka deegaanka islamarkaana Salkaakaan maanta kismaayo lagu khaarijiyay uu noqonayaa kii 3aad oo sanadkaan gudihiisa lagu khaarijiyo.
Taliyaha Ciidamada amaanka Kismaayo Ibraahim khaliif oo saxaafada la hadalay ayaa waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan kooxaha ka dambeeya dilka Sarkaalkaan islamarkaana dhawaan ay soo qabandoonaan kooxaha ka danbeeyey dilkaan.



