Bases under attck:
W/Gaashaandhiga
Xiradda Guulwadayaasha
Warshaddi Taraqa iyo Sigaarka
Cinemo Shiirkole
Police Station:
Degmada Waaberi
Bases cut off from eachother,prevented them from helping one another..seems new tactic masha allah ..Guul

:
Weeraro Qorshaysan oo caawa lagu kala qaaday Fariisimo ay ka deganyihiin Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya M/Muqdisho
Beerdhiga 16.12.2007 21:34
Abaarihii 08:40 fiidnimo ee caawa xiliga magaalada Muqdisho ayay xoogaga muqaawamada soomaaliyeed weeraro qorshaysani ku kala qaadeen fariisimaha wasaaradii hore ee gaashaan dhiga iyo shiirkole ee magaalada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga muqaawamada ayaa beerdhiga u xaqiijiyay in weeraro ka fool ka fool ah caawa lagu kala qaaday fariisinka gaashaandhiga oo ay deganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo fariisinka shiirkole oo ay deganyihiin qaar ka mid ah ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya oo dhawaan lagu soo tabo-baray gudaha itoobiya.
Weeraradan oo socday mudo 30 daqiiqo ah ayaa waxa laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho madaafiicda la isweydaarsanayo, iyo waliba hubka kale sida daran dooriga u dhaca intaba.
Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo lagu yaqaano marka ay xanuunsadaan in ay maciin bidaan madaafiicada meelaha fog laga soo rido ayaa BM ku garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyada oo aan la sheegi karin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Lama ogaan karo illaa iyo hadda baaxada khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray caawa ciidamadaasi weerarada qorshaysan lagu qaaday.
Guutooyinkii ka tirsanaa Xoogaga muqaawamada ee fuliyay weeraradaasi qorshaysnaa ayaa iyagu dib uga soo laabtay iyaga oo bad qaba isla markaana aysan soo gaarin wax khasaare ah.
Waa weeraradii labaad oo todobaad gudihii lagu qaado ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga, waxaana kan caawa ka horeeyay weeraro sagaal ah oo lagu kala qaaday xarumo iyo fariisimo kala duwan oo ay deganyihiin ciidamadaasi.
Weeraradan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyada oo saaka abaare 07:45 subaxnimo la gubay gaari Ural ah xili uu marayay wadada Makka ah-mukarama gaar ahaan agagaarka guriga shaqaalaha ee Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.
Xoogaga muqaawamada soomaaliyeed ayaa iyagu maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhinaya weerarada iyo qaraxyada ay sida isdabo jooga ah ula beegsanayaan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
www.Beerdhiga.com




