they launghed another assault this morning,but was swiftly hit back,now they battle is concentrated around the main road jidka 30ka..the ethiopians are loosing strongholds..It seems now its last phase for the libearation front to prepare massive attacks on their barracks,..the invaders failed all their attempts to gain strongholds,instead they were deafeated in most occasions..They launghed more than 200 offensives since March 2006 in the capital...The Mogadishu people have shown bravery and steadfastness masha allah.
Iska hor imaad xoogan oo ka socda jidka 30 ka ee Magaalada Muqdisho
Beerdhiga 17.12.2007 12:26
Iska hor imaad xoogan ayaa goordhaw ka bilawday jidka 30 ka gaar ahaan inta u dhaxaysa Black-sea iyo Baar-ubax ee ka mid ah dagmada wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadkaan oo aad u xoogan islamarkaana la’is waydaarsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxuu dhaxeeyaa xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo ciidamada DFKMG ah ee lashaqaysa gumaysiga Itoobiya.
Dagalkan ayaan ilaa iyo hadda la’ogayn khasaaraha ka dhashay, dagaalka oo wali socda awgiis waxana hubka la’iswaydaarsanayo laga maqlayaa meelo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah ayada oo uu hubka waawayn u gudbayo meela ka fog goobta dagaalka.
Dagaalkan ayaa imaanaya xilli uu xalay dagaal xoogani ku dhexmaray xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo ciidamada DFKMG ah ee la shawqaysa gumaysiga Itoobiya jidka warshadaha gaar ahaan xeradii hore ee Guulwadayaasha iyo Shiirkole.
Waxaa aad u soo kordhaya iska hor imaaduyada iyo dagaalada ay xoogaggga Muqaawamadu ku qaadayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee lashaqasa ayada oo ay si toos ah ugu fashilmeen isbahaysiga Meles iyo C/lahi yusuf in maamulkoodu si buuxda salka u dhigo gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.



