Odayaasha golaha dhaqanka ee Beesha Sade oo la wareegay Maamulka magaalada kismaayo.
Kismaayo, Sabti, 22 December - 2007 [Radio Simba]
Odayaasha dhaqanka ee Beesha Sade ayaa la wareegay maamulka iyo arrimaha siyaasadda ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.
Odayaashani golaha dhaqanka ee Beesha Sade ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ay si KMG ah ula wareegeen maamulka guddigii siyaasadda ee beeshaasi ee Kismaayo, ee uu hogaaminayay C/rasaaq Faarax Taano.
Arrintani ayaa waxaa ay timid ka dib markii guddigii siyaasadda lagu eedeeyay wax isdaba marin, iyo in aysan si wanaagsan u gudan waayeen waxyaabihii looga baahnaa.
Suldaanka Beesha Sade, Suldaan Max'ed Bashiir Madoobe Yarow ayaa Idaacadda Simba u sheegay in maamulkaasi ay gacanta ku heyn doonaan, tani iyo inta xal laga helayo, sida uu yiri.
Arrintani ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xilli dhowaan kooxo hubeysan ay la wareegeen Dekadda Magaalada Kismaayo, iyagoo ka careysan mushaar la'aan.




