More Troops from Burundi flock Aadan Cadde International for the second day as fighting continues in parts of the city.
Cutubkii 2-aad ee ciidamada Brundi oo kasoo dagay garoonka Aadan Cade
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Desember-2007
Cutubkii labaad ee ciidamada nabad ilaalinta Burundi ayaa waxa ey kasoo dageen saacad ka hor garoonka caalamiga Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport.
Tirada cutubkan ayaa sidoo kale lagu sheegay ey la mid yihiin kuwii shalay kasoo dagay garoonkaas ee ahaa boqolka askari.
Ciidamada Burundi ayaa lagu sheegay in wajigooda hore uu ka koobnaan doonaan ilaa 800 oo askari, waxaana lagu wadaa in lagu soo biiriyo waqti aan fogeyn ciidamo dheeraad ah.
Qalabka iyo saanadaha maleteri ee ciidamadan ayaa horay looga soo dajiyay isla garoonka Muqdisho halkaasoo ey ku sugan yihiin ciidamo kale oo nabad ilaaliyayaal ah kana soo jeeda dalka Uganda.
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda



