Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo ay kaalayaan kuwo Soomaali ah ayaa saaka soo buux dhaafiyay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley, gaar ahaana xaafadaha Xararyaale, Geedjaceyl illaa nawaaxiga Suuqa Bakaaraha kuwaasoo baadi goob ugu jiray Askari ka tirsanaa iyaga oo ka soo baxsaday aroortii hore ee saaka.
Askariga ay baadi goobayaan ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in aroortii hore isaga oo ordaya uu soo dhex maray xaafadaasi, sida ay sheegeen dad ka tirsan xaafada, waxayna xuseen in aanu ku hakanin balse uu horey u sii dhaafay, wuxuuna watay askarigaasi dareyska ciidanka Itoobiya.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya ayaa saaka aroortii hore ku soo faafay xaafadaasi Xararyaale iyagoo luuq walba iyo guri kastana ka baarayay askarigaasi ka soo fakaday, ee la sheegay inuu waashay, waxayna ciidamadani ka soo kala baxeen garoonkii Isbartiibada, isgoyska Cali kamiin illaa xaafada Xararayaale oo dhinac ka degan yihiin.
Ciidamadan ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan Askarigaasi ka soo baxsaday, waxaana la sheegay in aanu wadanin qorigii uu ku dagaal geli jiray oo uu iska tuuray, lamana garanayo sababta dhalisay inuu waasho askarigan kana baxsado askartii kale ee uu la jaalka ahaa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo la arko ama la maqlo Askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo iyagu ka baxsaday ciidanka isla markaana tahriib ku galay dalal ay ka mid yihiin Yemen iyo Sucuudiga, waxaana la sheegaa inay ugu wacan tahay dhibaatooyinka xoogan ee ay kala kulmeen hirarka kacdoonada ah ee kaga hor yimid Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho.




