C/llahi yusuf axmed oo baydhaba dib ugusoo noqdey
Posted: Mon Dec 31, 2007 10:45 am
Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay , ka dib todobaadyadii ugu danbeeyey oo uu booqanayay Dalala shisheeye.
Madaxweyne Yuusuf ayaa soo dhaweyn kala kulmay Madaxda dowlada Soomaaliya ee joogtey Magaalada Baydhabo iyo Kumanaan dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ah ,isagoo markaasina bilaabay wada hadalo ku aadan soo xulitaanka Wasiirada dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey Magaalada Nayroobi isagoo halkaasi kula kulmayay Madaxda dowladaasi iyo Deeq bixiyaasha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha ku aadan sidii taageero xoogan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
Warar hoose oo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu Madaxweynuhu la kulmay Madaxweynaha Kenya ,isagoo ugu hanbalyeey Doorashada uu ku guuleystay isagoo tibaaxay in looga baahan yahay in sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya.
Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka bilaabay Xarunta Madaxtooyada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda dowlada Soomaaliya ,gaar ahaan Raysalwasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Madoobe oo ay ka wada hadlayaan waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya ,gaar ahaana Magaalada Muqdisho.
Tagitaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili beri laga dhowrayo Raysalwasaare Nuur Cadde soo dhisida dowlad Tayo wanaagsan leh ,kana kooban 18-wasiir oo qura ,iyo marxalada Magaalada Muqdisho oo dagaalo ay ka dhacayaan.