Diyaarad yar oo ku soo dhacday duleedka magaalada Laasqoray
Beerdhiga 01.01.2008 13:36
Diyarad yar oo nooceedu yahay kuwa laga hago gacanta ayaa waxa ay saaka waabarigii ku soo dhacday duleedka magaaldaa Laasqoray meel u jirta 20 KM mana jirin wax dad ah oo saaraa,
Diyaarada ayaa la sheegayaa in ay tahay mid wax basaasta waxaana dhicitaankeeda kadib la sheegay in ay u timid Diyaarad Air copter ha taasi oo baaritaan ku samaysay bur burka diyaarada kalana baxday qalab bur burkiina isaga tagtay.
Mid ka mid ah dadka deeganka ayaa sheegay in diyaarada awood ahaan ay qaadi karaan ilaa 10 nin oo aysan ahayn mid sidaa u sii wayn waxaana uu intaa ku daray in hadda lala aaday dhanka buur ka mid ah buuraha ku harayraysan magaalada.
Warar laga helayo gudaha magaalada ayaa xaqiijinaya in diyaarada bur burtay ay ka muuqto calaamad tilmaamaysa dalka Jarmalka.
Dhanka kale wararka laga helayo diyaarada yar ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jin wax alaab ah oo laga helay gudaha diyaarada waxan sidoo kale baaritaano kula dhaqaaqay qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Ma jiraan ilaa iyo hada war rasmi ah oo laga helay diyaara iyo waxa sidoo kale ka dambeeyay iyo sidoo kale meesha laga leeyahay.
http://www.Beerdhiga.com



