Kadib markii ay ka warheleen abaabul dagaal oo xoogan kana socda gobolka Galgaduud ayay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Gobolka Hiiraan bilaabeen dhaq dhaqaaq xoogan xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ay ka baxayaan sidoo kale Hiiraan.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Janta Kuundushe ee duleedka magaalada Baladweyne ayaa darraad waxaa ay ku sigteen in ay u gurtaan dhanka Xuduuda gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa dareemay dhaq dhaqaaq ay ku doonayeen Itoobiyaanka in ay ka baxaan halkaasi laakin waxaana la sheegayaa in arrinkaasi uu dib u dhacay markii ay saraakiisha Itoobiyaanka Muqdisho kusoo qeyliyeen.
Maalmihii u danbeeyay ayaa Ciidamada Itoobiyaanka waxaa ay isugu soo guranayeen meelo kooban kaliya oo kamid ah dalka iyagoona si xoogan u jooga magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo weeraro xoogan ay kula kulmaan.