Postby fagash_killer » Tue Jan 01, 2008 5:41 pm
Xaaladda Laascoonood oo uu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn in dad deegaannadood lagu duulo oo la qabsado, mana aqbalayso taas Dowladda Federaalka qof muwaadin ahna ma aqbalayn arrintaas foosha xun.
"Maamulka Rayaale waxaan u sheegaynaa inaan laga ogolaan doonin inuu kala goo-gooyo Somalia; waxaan ka rajeynaynaa Somaliland inay ciidameeda kala baxaan Laascaanood; mana rajeynayo in dagaal weyn la galo, balse waxaan ku baaqayaa inay wax fahmaan oo ay ciidamadooda la baxaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf Axmed.
DF, ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka taliso, wuxuna xusey inay rajeynayen in Maamulka Somaliland uu garwaaqsado gefka uu ku jiro, balse haddii ay garanwayaan aan looga harayn arrintaas.