Maxaa keeney iney Diyaarad Dagaal ay soo fariisato Laasqoray?
Maqaal:- Waxaa dad badani oo ah Reer Laasqoray ah ay is weydiinayaan Maanta sababta dhabta ah ee ka danbeysey in diyaarad nooca dagaalka ahi ay soo fariisato degmada Laasqoray ee xeebta Maakhir, Sababo badan ayay dadku siinayaan iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen iney tahay arintani in dagaal lagula jiro Warsangeli.
Waxaa jira oo hubaal ah in Gobolka Sanaag uu ku jiro marxalad adag iyadoo ay dadka deegaanka ay go'aansadeen iney sameystaan Maamul u adeega dantooda kana shaqeeya deegaankooda sida ay doonayaan iyadoo ay meeshaasi ka baxayaan labadii maamul ee sida xoolaha sheegan jirey gobolka Sanaag.
Tan iyo intii ay Puntland isu dhiibtey beesha hada ka talisa, Sanaag ama Maakhir waxay maamulkasi bilaabeen iney deegaanadan ku shaabadeeyaan magacyo iyo dadka deegaanka u dhashey oo laga iibgeeyey sayladaha iibka ee had iyo jeer laga iibiyo dadka lagu tilmaamey iney yihiin Argagixiso.
Waxaa jirtey dhacdooyin ay taasi markhaanti u tahay oo ay u weyntahay maalintii gurigii Bosaaso Jeebka lagu garaacey iyadoo dhalintii meesha ku jirtey ay qaarna dhinteen qaarnka dhaawac lagu qabtey.
Degmada Galgala oo dhowr jeer maalmuka Puntland uu isku dayey inuu saldhig milateri ka sameeyo iyo inuu deegaan ahaanba beesha hada maamulka haysa ay la wareegaan ayaa waxaa lagu shaabadeeyey iney ku sugan yihiin ciidamo Al-Shabaab ah, taasina ay kaliftey in ay magaaladaasi habeen iyo maalin ay dul taagan yihiin diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka.
Sheekadii raqiiska ahayd ee la yiri Baargal kooxo ayaa kasoo degey oo cadaatey iney been ahayd waxay horudhac u aheyd sidii Galgala loo weerari lahaa oo loogu soo hogaamin lahaa ciidamada Mareykanka oo aan aqoon dheeraad ah u lahay Maakhir ama Somaliada Waqooyiba.
Qorshahan oo LaasqorayNET ay wax ka ogaatey ayaa waxaa la rabey in xujo looga dhigo inaan qabiilka Warsangeli iyadoo lagu andocoonayo Baargaal oo ahayd Xaruntayadii Taariikheedba Weerar ayaa lagu qaadey.
Sidoo kale Magaalada Ceerigaabo buuraha dhinaca xeebta ka xiga ayaa waxaa had iyo jeer ku dul heehaabayey diyaaradaha Dagaalka ee Mareekanka iyadoo taasina ay dadka deegaanka ku fasireen in Maamulka Somali goyska ah ee Somaliland uu ka danbeeyey arintaas oo uu macluumaad khaldan uu siiyey ciidamada Mareykanka.
Sidoo kale magaalooyinka Carmale iyo Damalle Xagere oo dhamaantood ku yaalaan Gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu dul arkey diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo weliba jawi hoose duulaya oo isla markaana dadka ka argagixisey.
Eedahana waxaa loo soo jeediyey in ay arintaasi ka danbeysey Somaliland oo ay ka dan leeyihiin in shaabada Puntland ay ku dhifatey Sanaag ay iyaduna ku dhiftaan oo isla markaana dadka deegaanka sida lagu gumaado.
Dadka qaarkood waxay ogsoon yihiin in Gobolkani uu hodon ku yahay khayraadka dabiiciga ah iyadoo ay labada maamulba doonayaan iney khayraadkaas gunta u galaan oo dhacaan taasina ma suurtoobeyso in maalin cad ay dhacaan laakiinse meelo ayay kasoo leexanayaan.
Diyaadarada maanta fadhida Laasqoray oo naloo xaqiijiyey iney tahay diyaarad dagaal oo mareekan ah kama muuqato in lasoo ridey ee waxaa ka muuqda in cilad xag farsamo ah ay usoo fariisatey xeebta isla markaana duuliyihii ay bad baadiyeen ciidamada Mareekanka ee badbaada ee raacsan Marines-ka.
Ugu danbeyn su'aasha meesha taala waxa weeye ma sidaas bay reer Maakhir uga aamusnaanayaan in deegaankooda Dowladaha aduunka lagu soo hogaamiyo? Miyeysan Habooneyn in Aduun weynaha loo cadeeyo waxay ay labadaas maamul ku hawlan yihiin? Miyeysan habooneyn in halbowlayaasha Dhaqaalaha ee Puntland la jaro oo wadada la xiro iyadoo maamulka lagu ciqaabayo dhibka ay geysteen ama ay geysan karaan? miyaan kan Somaliland lala tacaali karin oo dhaqaalaha aada Togdheer la xiri karin ileyn Deegaanka Maakhir buu maraa e?
Suaalahaasi waxay u baahan yihiin in laga jawaabo..
Raz Shirwa, London
http://www.laasqoray.net/view_article.p ... cleid=2303---------------------------------------------------------------------------------------------------
Yusuf and Addes fate are sealed, PL and Somalia won't last the terror card on reer Maakhir won't end until the destruction of both PL and Somalia (TFG). Hopefully before then SL (Dirta Waaqoyi) will be dealt with by Yusuf in 08.
Happy 08 to all Maakhirites, the anarchy and chaos depends on the birth of the Republic!