Faah faahin:- Dagaal kulul oo ku dhaxmaraya Xoogaga Muqaawamada & ciidamo ka amar Qaara DFKMG ah Degmada Cadaado ee gobolka Gal-gaduud.
Beerdhiga 03.01.2008 12:59
Abaarihii 08:00 subaxnimo ee maanta ayaa waxa uu dagaal kululi ka bilowday deegaanka cadaado ee gobolka gal-gaduud kaas oo u dhaxeeya xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed iyo waliba Ciidamo ka amar qaata DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga Muqaawamada oo Beerdhiga la soo xiriiray ayaa u sheegay in Maleeshiyo ka amar qaata DFKMG ee la shaqeysa Gumeysiga itoobiya iyo xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed ee deegaankaasi ku sugan uu dagaal kululi ku dhaxmaray illaa iyo xiligan Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Xoogaga Muqaawamada ayaa la sheegayaa in ay ka yara itaal roonaadeen Maleeshiyada ka amar qaadata DFKMG ah, isla markaana laga saaray qeybo ka mid ah Degmada Cadaado.
Warar hoose oo ay Beerdhiga heshay ayaa sheegaya in Maleeshiyada uu dagaalku dhax marayo xoogaga muqaawamada laga soo hubeeyay dhinaca Maamul goboleedka Puntland isla markaana ay soo direen Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ee CIA.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 2 qof oo ka mid ah dadka deegaanka isla markaana uu dagaalka yara qaboobay abaare 12:30 duhurnimo inkastoo la maqlayo rasaas teel teel ah oo wali ka socota daafaha degaanka Cadaado.
Ciidamo gurmad ah ayaa la sheegayaa in ay labada dhinacba helayaan isla markaana laga cabsi qabo in uu dagaalku dib u sii qarxo iyada oo la sheegayo in Odayaal Dhaqameedyo ku sugan deegaankaasi ay ku dhaxjiraan qaboojinta xaaladan dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaankaasi.
Wixii faah faahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.
http://www.Beerdhiga.com




