Postby Hiiraan boy » Tue Jan 08, 2008 9:14 am
Ciidamada itoobiya ee kusugan magaalada B/weyne oo Khamri ku cabay Masjid kuyaal B/weyne. 08 Jan 2008
Posted to the Web 08 Jan 08, 11:54
Ila Wareedyo madaxa banaan oo laga helayo magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in Ciidamada Itoobiya ee kusugna gobalka Hiiraan ay Xumayn ku sameyeen goobo lagu cibaadaysto oo kuyaal duleedka B/weyne.
Shabakada Wararka Islamtoday ayaa qortay warbixin si dheere loogu kuuragalay oo muujinayso in Itoobiyaanku ay wasakheyeen masjid kuyaal B/weyne.
Ciidamada Itoobiya ee kusugan deegaanka ( Janta Kuundisho) ee duleedka B/weyne ayaa la sheegay in ay xoog ku galeen Masjidka ugu wayn magaalada B/weyne islamarkaana ay Khambro iyo Daraagis ku cabeen gudaha Masjidka taas oo kacaraysiisay Beelaha kunool magaalada B/weyne.
Islamtoday.net oo warbixintan soo werisay ayaa intaas kudartay in Shacabka magaalada B/weyne ay qoraalo cabasha ah ay ugu gudbiyeen Taliska Ciidamada Itoobiya ee kusugan deegaanka ( Janta Kuundisho)balse ay iska dhega tireen arrinkaas.
Warka ayaa intaas kudarayo in Odayaal Dhaqameedyada magaaladu ay Warqad u qoreen Gudoomiyaha gobalka Hiiraan yuusuf Daba Geed balse uu sheegay in Ciidamada Itobiya ay keensatay Dowlada Federaalka Soomaaliy aoo ay haboontahayna in Madaxda Dowlada laga hadlo wixii dhib ah oo ay gaystaan, ma ahan markii ugu horaysay oo ay Ciidamada Itoobiya ku xad gubaan goobo lagu cibadaysto dhawaan ayay Masaajiydo kuyaal wadada 30-ka Muqdisho ku Saxroodeen Ciidamada Itoobiya.