War Deg Deg ah: Gaadhi Tikniko ah oo laga gubay Booliiska Puntland iyo khasaarihii dagaalka Boosaaso
Warkii 10-Jan-2008 iyo Qormadii: c/qaadir Gaabuush
Sidaanhore idiinku soo gudbinay dagaal aad u xoog badan ayaa saaka ka bilowday magaalada xeebta ah ee boosaaso dagaal kaas oo aanu goor dhowayd helnay tirade dhimashada iyo dhaawaca uu gaystay ...............
Dagaalka Saaka oo bilowday ka dib markii ciiidamada Booliiska Puntland ay weerareen guri ay ku jireen koox saraakiisha booliisku ku sheegeen inay ka danbaysay afduubyada isdaba jooga ah ee ka dhacay Puntland ayaa sababay dhimashada 2 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo 3 qof oo ka tirsan maleeshiyada ka soo horjeeday, sidoo kale waxaa dagaalkaasi naftiisa ku waayey hal qof oo rayid ah..
Dagaalka Saaka ka dhacay boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay inta ilaa hada la og yahay 5 qof oo isugu jira booliis , dad Rayid ah iyo maleeshiyada dagaalka kula jiray ciidamada Booliiska, dhaawacyada ayaa dhamaantood la dhigay cusbataalka magaalada Boosaaso , dhaawacyada qaarkood ayaa lagu soo waramayaa inay culusyihiin,..
Dhinacakale waxaa hada ka socda magaalada boosaaso Mudaharaad rabshado wata oo lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Cadde muuse ,rabshadahaas oo sababay in dab la qabadsiiyo gaadhi Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamada booliiska dowlad goboledka Puntland kaas oo taayir ka banjaray kadibna ay gubeen dadwayne cadhaysan ..
Dagaalka ayaa hada joogsaday wallow rasaas goos goosa ay ka dhacaysa daafaha magaalada , guud ahaan xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana is taagay dhaqdhaqaaqa ganacsiga saaka qaarkii markii uu dagaalku bilowday waxaase dib loo furay salaada duhur ka dib .
Maleeshiyada ciidamada Booliiska kula dagaamalaya xaafada Biyokulule ee magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa inay isku beel ka soo jeedaan ,majiraan ilaa hada wax dhaqdhaqaaqa oo lagu joojinaya dagaalka oo umuuqda mid isu rogaya dagaal beeleed , waxaa dad goob jooga ahi noo xaqiijiyeen in dhimashada iyo dhaawacu la filayo inay intaasi ka soo korodho saacadaha soo socoda ..
Hamoogaan wixii ka soo kordha boosaaso
C/qaadir gaabuush
Afnugaal.com
Gaabuush6@hotmail.com
+256-774833715




