Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa xabsi daa\'in ku xukuntay Nin ku qashay labo caruur ah deegaanka Abaarso, bishii Agoosto ee sanadkii hore 2007-da.
Taliyaha ciidanka booliska Somali-land Maxamed Saqadhi Dubad ayaa xaqiijiyay in ninkaas oo lagu magacaabo Faarax Saxardiid Cabdiraxmaan kana soo jeeda deegaanka Qalaafe ee Kilinka shannaad ee Somalida Itoobiya ey Boolisku ka qabteen duleedka magaalada Wajaale ee galbeedka Hargeysa ka dib markii ay muddo dheer ku daba joogeen.
\"Ninkaasi waa ninkii labada caruur ku qashay deegaanka Abaarso bishii August ee sannadkii 2007, Booliskuna muddo dheer ayay ku daba joogeen, aakhirkiina gacanta ayaanu ku dhignay, waxaana naga caawiyay dadka reer Abaarso oo inta uu magaalada ugu yimaado uu ka iibsan jiray tammaandhada iyo waxyaabo kale\", Ayuu yiri taliyaha booliska Somaliland.
Taliyaha Maxamed Saqadhi Dubad ayaa intaas raaciyay in ninkaasi dambigii uu ku cadaaday islamarkaana lagu xukumay xabsi daa\'im.
Labada carruurta ah ee uu qashay ninkaan dad-qalka ah ayaa waxa ay magacyadoodu kala ahaayeen Cabdiqani Xuseen Cali oo 8 jir ahaa iyo Cabdi Yuusuf Daahir oo isna 10 jir ahaa,isla markaana ilmo abti iyo ilmo eedo-ahaa.




