Page 1 of 1

80 year old Axmed Diiriyes mother heartbroken when she heard

Posted: Mon Jan 14, 2008 3:02 am
by Hiiraan boy
Hooyo Xirsiyo Cabdi Jaamac oo ah maamo dhashay Sheekh Axmed Cali Geed oo ka tirsan odayasha Hawiye ayaa ku ilmeysay Saxaafadda iyadoona sheegtay in ay sariir saaran tahay ayna dooneyso nolol iyo geeri wiilkeeda iyo Axmed Diiriye Cali.

Hooyoi Xirsiyo waxaa ay sheegtay in xaaladeeda ay ka dartay markii ay maqashay warkii Warbaahinta laga sheegay ee ku aadanaa in wiilkeeda ay khaarijiyeen Itoobiyaanka sida uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

\'\'Iyadoo ilmeyneysa ayay laheyd,hadii C/laahi Yuusuf,iyo Raysal wasaare Nuur Cadde iyo Raysal Baarlamanka ay hadalka maqli karaan waxaan ahay hooyo 80 jir dhaaftay oo wehel aan laheyn sariirna saaran,Wiilkeygii iyo Axmed Diiriye nolol iyo geeri ha la iigu sheego\'\'.

Hooyadaasi oo wareysiga lala yeeshay Ilmo kusoo dhameyay ayaa saameyn xoogan waxa ku yeeshay hadaladii Warbaahinta uu kasii daayay Gudoomiyaha Isbaheysiga Xornima doonka Somaliyeed Sheekh Sharif kaasi oo ahaa in ay heleen xog ku aadan in gudaha Itoobiya lagu dilay Sheekh Axmed Cali Gees iyo Axmed Diiriye.

Re: 80 year old Axmed Diiriyes mother heartbroken when she heard

Posted: Mon Jan 14, 2008 3:15 am
by Shirib
His mom is still alive now thats amazing. She has had a long life.

Axmed Diiriye AUN

Re: 80 year old Axmed Diiriyes mother heartbroken when she heard

Posted: Mon Jan 14, 2008 3:52 am
by Naaima
alla ya raxma raximiin!