Postby eyes-only » Wed Jan 16, 2008 10:59 am
He was great...pure talent, Ilaahey ha u naxariisto. Sahra Ceeblaay is one is one of my favourites :)
caku aragtidaadii
saw caashaq ima helin
misna cudur xanuun lehiyo
sow ciil imuu badin
anfacada la cuna iyo
saw ceeshkii kama go'in
cabitaana dayoo
cunahaba ma mariyee
inuu caashaq halis yahay
calafkuna wax jira yahay
caawaba anaa qiree
adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa
caku milicsigaagii
saw indhuhu kuma calman
dabadeed calooshiyo
saw caqliga uma gudbin
iyana codsigoodii
saw qalbiga uma celin
isna cabir wuxuu yidhi
cajiib weeye gabadhuye
inuu cadarku udug yahay
adina aad canbar tahay
caawaba anaa qiree
adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa