Page 1 of 1
AbdiQaadir Sanka,,,The Best Somali Singer
Posted: Wed Jan 16, 2008 10:46 am
by xaseey
this is one of his best songs .. SIDEE LOO JID MARAYAA waxay ka hadlaysaa qiyaamaha ,laakiin asagana jiidkii ayuu maray ..
http://youtube.com/watch?v=FO1CfsHrbag&feature=related
Re: AbdiQaadir Sanka,,,The Best Somali Singer
Posted: Wed Jan 16, 2008 10:50 am
by xaseey
this is lyrics of the song
Safar baa latagayaa
iyo socoto dheeroo
soo noqod laheeynoo
ina wada sugaayee
surin waxa lamarayaa
siigiyo dabayloo
suudiga cadceedana
saanto kugu dhageeysoo
surmi haraad badan
saa waxa kadaran taa
halaq micida saydha iyo
saynleha libaaxa iyo
abeesbaa sunsumayoo
ninkaan seef afweeyniyo
aan uwadanin sahay badan
kama samato baxayee
sidee loo jid marayaa
sokeeye iyo xigaalkaa
ku sooryeeya malahoo
saaxiibkaa rumaadoo
ku saacida ma joogoo
reer sabadka yaalood
usii hoyoto malahoo
Saheeydeedu meeshaas
subag iyo saliid ma aha
sonkor iyo bariis ma aha
caanihii sibraarka iyo
hilibka oo la soley ma ah
soorta dunida taala oodhan
saheeydeedu taa ma aha
waa sunqur la waa sanqar la
soco oo ha soo noqon
bal aan idin su'aalee
maxaad saaka wadataan
subaxa Qiyaamaha
la hortagi Subxaankaa!!!?
ninka saaka jeceloow
xilka sahal ha moodine
dhulka aan ku socono iyo
samaduu ka culusyahey
yuu sibiq idinku galin
yuu sibiq sibiq sibiq
yuu sibiq idinku galin
Re: AbdiQaadir Sanka,,,The Best Somali Singer
Posted: Wed Jan 16, 2008 10:59 am
by eyes-only
He was great...pure talent, Ilaahey ha u naxariisto. Sahra Ceeblaay is one is one of my favourites :)
caku aragtidaadii
saw caashaq ima helin
misna cudur xanuun lehiyo
sow ciil imuu badin
anfacada la cuna iyo
saw ceeshkii kama go'in
cabitaana dayoo
cunahaba ma mariyee
inuu caashaq halis yahay
calafkuna wax jira yahay
caawaba anaa qiree
adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa
caku milicsigaagii
saw indhuhu kuma calman
dabadeed calooshiyo
saw caqliga uma gudbin
iyana codsigoodii
saw qalbiga uma celin
isna cabir wuxuu yidhi
cajiib weeye gabadhuye
inuu cadarku udug yahay
adina aad canbar tahay
caawaba anaa qiree
adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa
Re: AbdiQaadir Sanka,,,The Best Somali Singer
Posted: Wed Jan 16, 2008 11:09 am
by xaseey
safar baa la tagayaa is my favourite song,,waxaana ku jeclaaday sida exactly ay uga hadlaysoo runta naga dambeysa
this is the bst part of the song
ninkaan seef afweeyniyo
aan uwadanin sahay badan
kama samato baxayee
sidee loo jid marayaa
sokeeye iyo xigaalkaa
ku sooryeeya malahoo
saaxiibkaa rumaadoo
ku saacida ma joogoo
reer sabadka yaalood
usii hoyoto malahoo
Saheeydeedu meeshaas
subag iyo saliid ma aha
sonkor iyo bariis ma aha
caanihii sibraarka iyo
hilibka oo la soley ma ah
Re: AbdiQaadir Sanka,,,The Best Somali Singer
Posted: Wed Jan 16, 2008 11:58 am
by sheldibow
The best somali singer should be "Jubba" Safar baan u baxayaa..................
http://www.youtube.com/watch?v=c7F2Ifo2 ... re=related