Axmed Diiriye oo la xaqiiyay geeridiisa.
Odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa maanta daboolka ka qaaday inuu geeriyooday afhayeenkii odoyaashaashi Axmed Diiriye Cali oo u xirnaa dowlada federaalka ee Somalia.
Masuulka dhanka saxaafada u qaabilsan odoyaasha beelaha hawiye ninka lagu magacaabo Aadan Dheere ayaa tilmaamay inuu geeriyoioday Axmed Diiriye oo ahaa afhayeenkii baalaha Hawiye garabka Maxamed Xasan Xaad uu hogaamiyo.
Aadan Dheere wuxuu shegay in ciidamada dowlada Ethiopia ay dileen Axmed Diiriye Cali, isagoo ku eedeeyay dowlada Somalia inay u gacan galiyeen Axmed Diiriye ciidamada Ethiopia.
Ma jirto ilaa iyo iminka warar madax banaan oo xaqiijinayo geerida afhayeenkii beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo dhowr jeer oo hore la sheegay inuu geeriyooday, balse markii dambe ay arintaasi beenoowday.
Ra;iisul wasaaraha dowelada federaalka ee Somalia md Nuur Cadde ayaa dhawaan daboolka ka qaaday inuu nool yahay Axmed diiriye Cali.
Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com




