Postby Somalian_Boqor » Sun Jan 20, 2008 10:40 pm
Nur Cadde oo soo gaarey Muqdisho
Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo golihiisa Wasiirrada ayaa ka dagay goor dhaweyd Garoonka caalamiga ah [Aadan Cadde] ee Muqdisho, iyagoo kasoo duulay Baydhabo.
Wafdigaan oo gaaraya 21-ruux oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay socdaalkooda inuu yahay inay wax badan ka ogaadaan xaaladda Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Muqdisho xubno badan oo ka tirsan DF.
Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay saxaafadda la hadlaan; maanta iyagoo ka warbixin doona imaanashahooda Muqdisho iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa.
Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa la xiray saakay, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka inay maraan halkaas, waxaana Nuur Cadde ay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee uu yimaado Muqdisho, tan iyo intii loo magacaabay Wasiirka Kowaad ee Somalia.
Ilo wareedyo hoose ayaa waxay u sheegeen Garowe Online in golaha cusub ee Wasiirrada DF ay ku shaqeyn doonaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu taas go'aan ku gaaray Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Wararka ku saabsan Ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha Wasiirradiisa waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe.
Garowe Online, Muqdisho