(Hargeisa 20/01/08) Qaxii ugu badnaa ebid ayaa soo gaaray shalay galab magaalada Hargeysa kuwaa oo ay soo kala daabuleen diyaaradaha Daalo iyo Jubba
Diyaaradahaan oo keenay maanta ciyaal iyo haween badan ayaa siweyn ugu farxay kadib markii si diiraan ay ugu soo dhaweyeen maamulka Soomaaliland iyo shacabkeeda iyadoona horay u joogeen shacab badan oo ka soo qaxay Muqdisho kuwaa oo si kal kacal ku jira loogu soo dhaweyey
Magaalada Hargeysa oo xiligaan la ciir ciireysa shacab badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay ku heystaan amaan aysan waligood ku taamin 18sano ee la soo dhaafay waxayna dadka ka soo qaxay Muqdisho ay ku amaaneen amaanka ka jira Dhulka Soomaaliland iyagoona sheegay in ay caasimada Hargeysa ay ka amaan fiican tahay caasimado badan oo ku yaalo wadamada reer Galbeedka




