Page 1 of 1

The best joke puntland ever made

Posted: Tue Jan 22, 2008 10:54 am
by The_Emperior5
Garowe(HRNet):-Wareegto Xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Guddoomiye cusub loogu magacaabay gobalka ay xiisadaha ka taagan yihiin ee SOOL.

Wareegtadan uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in xilkii laga wareejiyey Guddoomiyihii hore ee gobalka Sool, Ibraahim Jaamac Daad.

Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtadan nambarkeedu ahaa LR08 Jan21-2008 ku magacaabay Cumar Jaamac Saleebaan inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gobalka Sool.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu Madaxweynaha Puntland arkay baahida loo qabo magacaabida guddoomiye cusub iyo waliba aqoonta iyo waayo aragnimadiisa Guddoomiyaha cusub uu Madaxweynaha kaashaday dastuurka isla markaana magacaabay Mas'uulkan cusub.

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Sool ee maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili uu maamulka wado dhaq dhaqaaq uu ku doonayo inuu dib gacanta ugu dhigo magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool oo ay hada ku sugan yihiin ciidamada iyo maleeshiyooyinka taageersan maamulka la baxay Soomaliland.

C/risaaq Shiino
HorseedNet.com