Postby CoolPoisons » Wed Jan 23, 2008 1:01 pm
Maleeshiyo Beeleed Taabacsan Cadde Muuse Oo Xabsiga Gaalkacyo Ku Soo Xiray Soddon Qof Oo Ka Soo Jeeda Degaanka Caabudwaaq
Jan 23,2008
by Gaalkacyo-GEDO-NN
In ka badan 30meeyo ka soo jeedo beesha SADE oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta la sheegay in xabsiga ku yaala magaaladaasi lagu soo xiray.
Dadka ka soo jeeda degaanka Galgaduud Bari gaar ahaana magaalada Caabduwaaq oo isu jiray ganacsato iyo dadka kale oo shacab ah oo ku noolaa magaaladaasi ayaa waxaa xabsiga u taxaabay madaxa amaanka maleeshiyeed beeleed daacad u ah Gen.Cadde Muuse. Qaar ka mid ah ehelada dadka ka soo jeeda Beesha SADE ee maanta lagu xirxiray magaalada Gaalkcayo ayaa waxaa ay ku tilmaameen inay dabojoogaan dagaaladii beelaha Harti iyo SADE ku dhexmaray magaalada Kismaayo oo ayna ku tilmeen inay tahay mid si gaar ah loogu ugaarsanayo magaalada Gaalkacyo dadka ka soo jeeda degaankaasi.
Ehelada ayaa waxay ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo daayo ganacasatadii iyo waxgaradkii ka soo jeeda beesha SADE iyo shacabka ka soo jeeda beelaha kale ee lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo in si deg deg ah loogu soo celiyo xoriyadoodii. Beelaha dadka lagu qafaashay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay u badnaayeen muwaadiin ka sooo jeeda beelaha SADE, Ogaadeen iyo Hawiye.
Madaxa maleeshiyo beeleedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen dad gor u dhaafaya dhowr boqol oo qof oo ay ku sheegeen inay qalqal geliyaan amaanka magaalada oo ayaamahan u ekeed mid faraha ka sii baxaysa tan iyo markii ay beelahii ku bahoobay maamulkii Puntland ay qaarna ay qabsatay maamulka Soomaliland, halka intii ka hareysaneynda ay ay hareeyeen isqabqabsi siyaasadeed oo dhaliyey amaandarro iyo qarkana ay iminka u saaran tahay in lagu kale tago sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan beelaha degaanka.
GEDO-NN-Caabduwaaq News Desk