Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Abwaan Xasan Sh Muumin Alle ha u naxariistee Oo Geeriyoodey

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
great-legend
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 330
Joined: Wed Aug 08, 2007 6:06 am
Location: geel baan ku ilaalinayaa Near the white house

Abwaan Xasan Sh Muumin Alle ha u naxariistee Oo Geeriyoodey

Postby great-legend » Sun Jan 27, 2008 5:56 am

daawo sawirada
http://www.boramanews.com/5054.htm


http://www.boramanews.com/5053.htm


waa ninkii sameeyay heesta dab haduu dhaxmoodoo maxaa lagu daaweeeyaa bal adba garo dee



Abwaan Xasan Sh Muumin Alle ha u naxariistee Oo Maanta magaalada Boorama aas qaran loogu sameeyay

Halkan ka daawo sawirada Click here
Boorama(Bnn)Alle ha u naxariistee waxaa Maanta magaalada Boorama aas qaran loogu sameeyay Abwaan Xasan Sh Muumin, oo 16kii shan ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka norwey.

Diyaaradii siday Maydka marxuunka ayaa abaaro 12.00 duhurnimo ee Maanta soo gaadhay madaarka magaalada Boorama, iyada oo ay la socdeen wafti ka socday dalka Jabuuti, waxa kale oo iyaguna madaarka ku sii sugnaa wafti balaadhan o golaha wasiirada ee sooomaaliland ah, siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka, xildhibaano ka tirsan labada gole, ee baarlamaanka,hal abuuro,qorayaal iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan kuwaas oo isaga kala yimid gobolada JSL, si ay uga qayb galaan jinaasada iyo aaska alle ha u naxariistee marxuun Abwaan Sh Xasan Muumin Gorad.

Waxa ka mid ahaa shakhsiyaadkii iyo siyaasiyiinta iyo masuuliyiintii ka qaybgalay aaska Abwaanka iyo halabuurkan bulshada magaca weyn ku dhex lahaa, wasiirka madaxtooyada Md Nuux,wasiirka warfaafinta Axmed X Daahir,wasiirka dhaqanka C/risaaq waabari,wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasin Sh Yuusuf, wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni, gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo, madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Muj C/raxmaan Aw Cali Faarax,maamulka G/awdal iyo xubno kale oo bulshada magac iyo martabadba ku leh iyo bulshada reer Boorama oo aan iyaguna u kala hadhin, waxaana maydkii maruunka ka soo sagootiyay madaarka Boorama boqolaal gaadiid ah ilaa ay soo gaaheen qabrigii uu ku aasnaa marxuunka aabihii oo isaguna ahaa caalim weyn oo aad loo qadarin jiray halkaas oo marxuun Xasan Sh Muumina lagu garab aasay.

Alle ha u naxariistee Marxuun Abwaan Xasan Sh Muumina uu ahaa hal abuur weyn oo maskaxdiisa iyo aqoontiisaba u huray bulshadiisa waxaanay dadkii ka soo qaybgalay aaskiisu si weyn ugu dheeraadeen taariikhdiisii iyo shakhsiyadiisii.

Wasiirka madaxtooyada Jsl Md Nuux ayaa odhaahdiisa ku bilaabay"alle ha u naxariistee abwaanka weyn ee inaga baxay ee somaliland ka baxay samir iyo iimaan dhamaanteen ha inaga siiyo, waxaanan u mahadnaqayaa dhamaan cidkasta oo ka qayb qaadatay sagootiska iyo aaska marxuunka iyo waftiga jabuuti ka yimid oo aanu uga mahadnaqayno sida wanaagsan ee ay u soo sagootiyeen maydka marxuun Xasan Sh Muumin una soo gaadhsiiyeen magaalada Boorama oo ay aaskiisiina kaga qaybgaleen, waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa inaanu madaxweynaha soomaaliland tacsi uga sidno qoyskii uu marxuunku ka baxay".
Xaashi C/laahi[xaashi afweyne] oo isna ku hadlay magaca waftiga Jabuuti ee maydka marxuunka la socday waxa uu yidhi"waxaan anagu tacsi iyo baroor diiq u sidnaa qoyskii iyo qaranka sooomaaliland ee aanu walaalaha nahay ee uu ka baxay marxuun Abwaan Xasan Sh Muumin oo ahaa nin cabqariya oo suugaantiisu ka duwanayd ta abwaanada kale waxa uu ahaa cilmi baadhe uu ilaahay ku shubay xikmada soomaalida dhaxal weyna ka tagay, dawlada Jabuuti hadii aanu nahay waxaanu jeclayn inaanu jabuuti ku aasno balse wuu dar daarmay dawladayaduna waxay ku karaamaysay shahaadada koowaad ee qaranka Jabuuti"

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah qorayaasha kaydiya taariikhda soomaaliland ayaa isna ka waramay shakhsiyadii marxuun Xasan Sh Muumin"Alle ha u naxariistee waxaynu maanta aasaynaa marxuun Xasan Sh Muumin oo ahaa halyay inaga baxay, marxuunku waxa uu ku dhashay magaalada Saylac maalin khamiis ah 25.Dec.1931 sida uu afkiisa iiga sheegay, dadku waxa ay u yaqaanaan nin fanaan ah oo hal abuur ah balse intaa wuu ka balaadhnaa waxaanu ahaa nin laxan dhaadhi ah,nin murti dhaadhi ah, nin jilaa ah iyo heesaaba waxa kale oo uu ahaa cilmi baadhihii u horeeyay ee helay magacyadii maalmaha soomaalida, lama soo koobi karo shakhsiyadiisii qaarba si bay u xasuusan doonaan ha ahaato cibaadadiisii iyo alla barigiisii ama haahaato hibadii eebe siiyay dhamaanteena samir iyo iimaan Eebe ha inaga siiyo"

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa isna shakhsiyadii abwaanka sidan uga faalooday"Inaa lilaah wa inaa ilyhi raajucuun abwaanka Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa shakhsiyad aad u balaadhan oo magac iyo qadarin umadiisa ka kasbaday reer Awdal uun maaha, reer soomaaliland oo kaliyana maaha ee umada soomaalida oo dhan waxa kale oo uu ahaa hal abuur fikirkiisu dheeraa oo wax badan inooga tagay oo aan odhan karo macalin umadeed buu ahaa, waydinkaa arkaya jinaasadiisii in meel walba looga yimid min Jabuuti ilaa gobolada dalkeena, dibadaha iyo meel walba taas oo cabiraysa miisaankii shakhsiyadiisa"
Maxamed Daahir Afrax oo isna ah nin qoraa ah oo buugaag badan ka qoray suugaantii marxuun Xasan Sh Muumin isaga oo ku sifeeyay riwaayadiisii shabeel naagood mid u qalanta in lagu abaal mariyo jaaisada Oscarka hadii ay soomaalidu bixin lahayd waxaanu ku tilmaamay maalintan mid murugo leh"maanta waa maalin murugo leh waxa inaga baxay tiir dhexaadkii umadeena marxuun Xasan Sh Muumin oo ahaa macalin wax weyn ku soo kordhiyay aqoponta banii aadamka, waxa kale oo uu ahaa hal door la higsado waxa uu ahaa samatalis hibadiisa aftahanimo wanaaga ugu hiilin jiray xumaantana ku diidi jiray, si gaar ah ayaanay aniga ii taabanaysaa geeridiisu, waayo 25 sano ayaan murtidiisa iyo hal abuuradiisa baadhis ugu jiray buugaag badana waan ka qoray waxa uu ahaa shakhsi dad jecel oo cidkasta ixtiraami jiray ilaahay qoyskiisii iyo dhamaanteenba samir iyo iimaan ha inaga siiyo isagana janadii ha ka waraabiyo".

gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5328
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K
Contact:

Re: Abwaan Xasan Sh Muumin Alle ha u naxariistee Oo Geeriyoodey

Postby gobdoon » Sun Jan 27, 2008 9:26 am

Kala caday ma soomali oo dhan bu marxuumku ka dhintay mise magaca gaarka ah ee lala baxay ee soomaliland,landka sheekada kasar.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 82 guests