Waxaa maanta allaha u naxariistee ku geeriyooday qarax miino ah oo lala beegsaday gaarigi uu la socday wariyahii Gedonet ee magaalada Kismaayo allaha u naxariistee Marxuum Xasan-Kaafi Xareed Axmed iyo laba qof oo ajaanib ah oo ka tirsanaa hayadda loo yaqaano Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF holland iyo wadahii mid ka ah gawaaridii ay la socdeen shaqaalahaasi.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday kolonyado gaadiid ah oo u kiraysanaa hayadaasi xilli ay soo dhameysteen howlahoodii shaqo ay ka hayeen isbitaalka Kismaayo oo ay u socdeen hoteelka ay ka deganaayeen magaalada Kismaayo ee Baranwaa ayaan la ogeyn cidda ka dambeysa ilaa iyo hadda. Qaraxaan oo si weyn u gilgilay dhamaan magaalada Kismaayo, iyada oo isla goobtii ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaalada Kismaayo.
Labada qof oo dhaqaatiirta hayadda Dhaqaatiirta aan la laheyn ee wadanka Holland oo ku dhintay qaraxaasi ayaa dhalashoodu kale aheyd wadamada Kenya iyo Faransiiska oo labaduba ka howlgali jiray isbitaalka magaalada Kismaayo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey, halka laba kale oo howlwadeen oo ajanabi ahna iyo dhowr qof oo Soomali ahna ay dhowaacyo kale duwan ka soo gaareen . Masuuliyiinta iyo waxgaradka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku sheegay in falkaani foosha xun uu yahay mid loogu dan leeyahay in lagu waxyeelo nabadda iyo xasilinoonta ka jirta magaalada Kismaayo iyo gobalka Jubbada hoose. Masuuliyiintaasi ayaa wacad ku maray inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha ka dambeeya qaraxaan oo dhaliyay dhimashada iyo dhowaaca magaalada Kismaayo.
GEDO-NN-GEDO-NN




