Xukuumadda Somaliland Oo Addis Ababa Ka Wadda Olole Diblomaasiyadeed Oo ku saabsan in Shirka Midowga Afrika LAgaga Hadlo Arrinta Somaliland.
Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa uu Madaxweyne Rayaale magaalada Addis Ababa u diray
Hargeysa:- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ka bilowday olole diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay taageero ka hesho wadamada Midowga Afrika oo uu shirweyne uga furmayo magaaladaas Addis Ababa
Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa uu Madaxweyne Rayaale magaalada Addis Ababa u diray wasiirkiisa Arrimaha dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, si uu u bilaabo olole diblomaasiyadeed oo ku waajahan shirweynaha Midowga Afrika oo 31 January -2 Feb. 08, magaalada Addis Ababa ku qabsoomi doona. Sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa uu wasiirku ku hawlanyahay in shirka Wasiirada Arrimaha dibadda la soo hordhigo qaddiyada Somaliland, ka dibna haddii ay suurto gasho loo gudbiyo shirka Madaxweynayaasha.
Wararku waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland rajo weyn ka qabto in qaar ka mid ah wadamada Midowga Afrika ee shirweynaha ka qayb galayaa soo dhigaan qaddiyadda Somaliland, marka uu shirweynuhu furmo. Hase yeeshe waxa ay wararku sheegayaan inay jiraan wadamo kale oo ka tirsan bariga Afrika oo iyaguna si weyn uga soo horjeedsan doona arrintan Somaliland, haddii golaha la soo dhigo. Shirkii ka horeeyay shirkan ee Madaxda Afrika ugu qabsoomay magaalada Addis Ababa ayaa dawladda Ruwaanda waxa ay shirkii Golaha Wasiirada ku soo bandhigtay qaddiyadda Somaliland, markaas oo uu si adag uga horyimid wakiil dawladda Imbigaati u fadhiyay shirkaas iyo wadamo kale.
Mid ka mid ah Wasiiradii Madaxweyne Rayaale u raacay safarkii dalka Maraykanka, ayaa dhawaan sheegay in Maraykanku Somaliland u balan qaaday inuu uga dhex ololeeyo Midowga Afrika dhexdiisa.
Dhawr jeer ayay dawladda Maraykanku ku celcelisay inaanay aqoonsiga Somaliland u weydaaran doonin ururka Midowga Afrika oo ay sheegtay inuu yahay ururka xaqa u leh inuu ka hadlo madaxbanaanida Somaliland.
Shirweynahan Midowga Afrika ayaa waxa qodobada ugu muhiimsan ee aadka looga hadli doono ka mid ah xaaladda dalka Somaliya oo aad u qasan, halkaas oo uu toddobaadkan booqday guddoomiyaha Amniga ee Ururka Midowga Afrika.
Q.W
GNS