Postby HELWAA » Mon Jan 28, 2008 4:12 pm
Gabadha soo galbiyaay guud xariireey
Gayaankeedi baa helayee
gabadhu waa idilo geesi uu dhalay
Iyo gaaridii dumaree
Geedka wiil yimidow gob gobtiiyow
Gudoon xulashadaadiiyee
Golaha loo bilay iyo goobta lagu wado
Alloow guri barwaaqeedee
Gabdha loo bogay iyo gabano khayreed
Alloow sii gurbood wacanee
Ginida lacageyd iyo guunya xoolaad
Guuloow hantina siiyee
Hooy ina adeereey Idil habooneey
Arooskiina aamiinee
Waa akhyaar cabdiyoo Sal iyo maan leh
Arooskiina aamiinee
Aqalku idiin bilayee ilo xidhjooqleh
Aloow raaski aan duminee
Habla asaageed iyo ayni ka rooneey
Allahayow adeeg wacanee
Arbayaal kaca oo eega taladee
Allahayoow la aaminayee
Il wax cawrido iyo uur neceyb-bo
Alloow yeey asiibinee
Hooy ina adeereey Idil habooneey
Arooskiina aamiinee