dadka soomaliland
doodyar aan u sheego
daahir weeye magacaygu
danbi maan galin abidkay
dulqaadbaan leeyahay
daryeelka umadiisa
nin u dooyaysan baan ahay
dunidana ictiraaf
doorbaan cayaaraya
dadku waa i jecel yahay
doorashaan ku imi
dareen laygama qabo
diidmana daa hadalkeed
dadku hadaanu i rabin
sidaa cabdulaahi yuusuf
dagaalbaa dhici lahaa
hoobiyaa dananai lahaa
madaxtooyadaa dumi lahayd
dariiqaan maraba
durbaanbaa la ii tumaa
duqaydaa amaan wada
dumarkaa mashxarada
duubcastiyo bilayskiyo
dadka kii waxgarada
dawlada iyo shicib
daacadba la iiyahay
haldiidan maleh
dalkii waan dhisay
dekedii dayac tiray
doorkan warshadaan dhagax dhigay
dabadeed waa betroolka
damacaygu waa barwaaqo
dadku ay nastaan
duniduna dalxiis
daawasho somaliland
madaarada kasoo dagaan
doodaydu wataa
SICIID CABDI DHEEN
murtiil@yahoo.com
LONDON UK



