'Waa in la soo hubiyaa in Maxamed Dheere Caafimaad qabo iyo in kale, Ninkaasi nin caadi ah maaha' sidaasi waxaa yiri Axmed Diiriye Cali, afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.
'Maxamed Dheere waxa uu noo dhaleeceynayo ma aqaan, waxaanse ogahay in uu aad uga xun yahay isbedelka iyo fur-furnaanta ay sameyneyso dowlada federaalka Soomaaliyeed' ayuu hadana yiri.
Axmed Diiriye ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in lagu eedeeyo dilkii loo geystay afhayeenadii gobolka Maxamed Muxudiin cali iyo Cabaas Maxamed Nuur (Cabaas Galeyr).
'Ragaasi xil iskuma heysan, mana jirto wax Colaad ah oo naga dhaxeysay.... Maxamed Muxudiin markii la dilaayay waxaan ku jirey xabsi' ayuu yiri Axmed Diirye.



