Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Postby CoolPoisons » Sun Feb 03, 2008 1:51 pm

Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii Muxammed ahaa ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna akhristayaasha sharafta lahow waxaan idiin leeyahay iga gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.W).


Leicester oo ah magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan dalkan ingiriiska, kana tirsan gobolada leysku yiraahdo East Midland. Xagga weyninka waxey ku jirtaa Kaalinta 11aad magaalooyinka ingiriiska. Tirada dadka ku nool waa 280,000 oo qofood, Leicester oo kaliya, marka lagu daro magaalooyinka kale oo ay xukunto oo leysku yiraahdo Leicestershire, waa illaa 570,000 oo qofood. Waa magaalo ku caan ah dhaqamada kala duwan iyo soo dhaweynta dadka ajaanibka ( Multicultural & Integration City ). Waa magaalo aad iyo aad ugu horeysa xagga Waxbarashada, shaqada, ammaanka, iyo weliba waa magaalo aad iyo ugu wanaagsan xagga xaasaska iyo caa'iladahaba. Xagga waxbarashada waxaa ku yaala illaa iyo labo jaamacadood oo waaweyn iyo collegyo aad iyo u tiro baddan, oo level kastaba leh.


Soomaalida ku nool magaalada Leicester waxa ay badankoodu magaaladan soo degeen wixii ka danbeeyay sanadkii 1998di. Soomaalida ugu baddan magaaladan soo degtay, waxey baddankoodu ka yimaadaan waddamada yurubta kale, oo waa dadka heysta jinsiyadaha waddamada kala ah, Netherland, Denmark, Sweden, Norway iyo Finland. Wey jiraan Soomaali kale oo toos ugu yimid Soomaaliya, oo waddankan ingiriiska sharciyo ka qaatay, laakiin waxa ka tiro baddan Soomaalida kale ee kasoo guurtay Yurubta kale. Soomaalida degan magaaladan waa dad aad iyo aad uga dhex muuqda magaalada Leicester, marka laga eego qeybaha kala duwn ee noloshu magaalada. Qeyb walba si gooni gooni aha ayaan xagga hoose uga faaloonayaa.


Xagga Waxbarashada:- Soomaalida Leicester waad ka heleysaa qeybaha waxbarasha min biloow illa iyo heer jaamacadeed. Aad iyo aad ayeey uga dhex muuqdaan goobaha waxabarashada iyagoo aad ku arkeyso inay sanada walba ku jiraan ardada ka qalin jabisa jaamacadaha. Sidoo kale ardada ka baxda waxbarashada dugsiyada sare ayaa Soomaalidu waxey sanad walba soo galaan ardeyda tusaalaha loosoo qaato oo ku baasa kaalimaha wanaagsan. Sanadihii lasoo dhaafay waxaa xitaa ay gaareen heer ay Abaalmarin u helaan collegyada waddanka kuwooda ugu sumcada sareysa sida Eaton college oo ku yaala magaalada London. Ardeyda Soomaaliyeed ayaa xitaa waxa ay jebiyeen fikirki laga heystay ardeyda madow, ee aheyd inaanay ku wanaagsaneyn waxbarashada. Wey jiraan arday baddan oo ku liita waxbarashada, qaarkoodna ku saaqiday, laakiin inta wanaagsan ayaa ka baddan.


Xagga Diinta:- Soomaalida Leicester waxa ay u baddan yihiin dad aad iyo aad ugu dhegan diintooda iyo dhaqankooda. Waxaa magaalada ku yaala illaa iyo saddex masaajid oo ay Soomaalidu gooni u leedahay. Waxaa kaloo jira dugsi quraano baddan, oo ku yaala magaaladan, oo ay Soomaalidu maamusho iyagana wax ka dhigan. Muuqaalka guud ee dhaqanka iyo asturaada, aad iyo aad ayeey ugu wanaagsan yihiin.


Xagga Shaqada:- Soomaalida Leicester sanadahan danbe aad iyo aad ayeey uga dhex muuqdaan goobaha shaqada, oo shirkadaha waaweyn sida Royal Mail, Parcel Force, Walkers, TNT, Tesco,Asda, waxaad arkeysaa Soomaali aad u tiro badda oo u shaqeeya. Waxey kaloo aad iyo aad uga dhex muuqdan shirkada Busaska magaalada sida First, Arriva, iyo shirkadaha kale ee yar yarba, oo ay aad u waddaan basaska. Waxaa intaas dheer iyagoo hadda u xuubsiibtay inay tiro muuqata ka yihiin wadida tagaasida loo yaqaan Black Cab iyo weliba Mini Cabyadaba. Goobaha waxbarashada ayeey aad uga shaqeeyaan, iyadoo aad ku arkeyso Macalimiin baddan oo wax ka dhigta iskuulada Leicester, waxa kaloo ay ka shaqeeyaan Leicester city Council, oo aad ku arkeyso qeybaheeda kala duwan, haddey noqoto xasgga Guryaha, waxbarashada iyo weliba waxey ka shaqeeyaan hay'adda caafimaadka ee NHS.


Xagga Ganacsiga:- Soomaalida Leicester waxaa ay magaaladan ku leeyihiin goobo baddan oo ganacsi, haddey noqoto goobaha loo yaqaan Internet Coffee, xawaaladaha kal duwan ee Soomaalida, maqaayado, dukaamada cuntada, dharka iyo weliba kuw loo yaqaan One Pound shop, Agensiyooyin jara Tigidhada Diyaaradaha. Waxaa kaloo aad u baddan Soomaalida Jeeblayaasha ah ee iyagu leh ganacsiga wareega. Waxaad kaloo arkeysaa Soomaali furatay dukaamo waaweyn, kuwa loo yaqaan Super market. Runti Soomaalida aad ayaa loogu amaanay ganacsiga, Inkastoo ay ciladoodu tahay iyagoo aan baddankoodu ganacsigoodu soo dhaafin Stage one.


Xagga Communitiyada:- Leicester waxaa ka furan Komuunitiyo baddan oo u adeega Soomaalida, oo ay maamulaan Soomaali, kaalin muuqatana ka qaata sare u qaadida adeegyada ay Soomaalida u baahan yihiin. Koomuunitiyada Soomaalida dhibta kaliya heysata waa midow la'aanta, taasoo baddankeeda loo aaneynayo dhibaatada ka jirta waddankeena. Wey jiraan iskudayo baddan oo lagu mideynayo, sida dallada Somali Service Providers Forum, oo runti ay isugu tageen komuunitiyo baddan, haddana weli waxa jira kuwa kaloo kasoo horjeeda.


Xagga Sumcadda:- Soomaalidu waa dad aad iyo aad u ilaashada sumcadooda, oo ku faana Soomaalinimada. Wey ku yar yihiin gelitaanka denbiyada waaweyn. Inkastoo ay jiraan dhalinyaro yar yar oo waayaha danbe soo yara badanaya, oo ku jira isticmaalka waxyaalaha muqaadaraadka ah. Caam ahaan sumcada magaaladu aad ayeey u sareysa, xitaa Soomaalida waxaa aad loogu amaanaa sidi ay u qaadeen sumcadda Xaafadda St.Matthews, oo runtii Soomaalida ka hor aheyd xaafad ay nolosheedu aad u liidato, oo ay ku baddan yihiin danbiyada. Haddana noqotay xaafad ay cid walba ku hamido inay soo degaan. Soomaalida Leicester waxey kaloo caan ku yihiin sida ay isagala qeyb qaataan munaasabadhood sida Xafladaha Aroosyada, oo aan loo kala herin iyo weliba haddii ay dhib dhacdo sida aasida. meydka oo kale.


Waxaan Qormadeydan ku soo gabagabeynayaa runtii maaha noloshu Soomaalida Leicester mid hal qoraal kaliya lagu soo koobi karo, oo waxa daraaseyn kara kaliya qofka soo booqday ama daraasad dheer ku sameeya. Wey jiraan dhibaatooyin saameyn ballaaran ku leh noloshu Soomaalida Leicester, sida mafrishyada ama goobaha Qayilaada, iyo weliba dhalinyarada ku saaqiday waxbarashada oo ku soo badanaya Waddooyinka magaalada, sidaas oo ay tahay haddana mar walba waxaa ka baddan inta wanaagsan ee diyarka u ah inay la jaanqaadan horumarka magaalada Leicester.


Qoraalkeygi waa iga intaas, wixii wanaag ah oo aan sheegay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi xumaan iyo khalad ahna waa nafteyda iyo sheydaan.

User avatar
Naaima
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6053
Joined: Thu Apr 26, 2007 12:04 pm
Location: Vision, imagination and leadership make a succesful business BUT above all it's a team effort!

Re: Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Postby Naaima » Sun Feb 03, 2008 2:20 pm

Salam alaikum

very interesting and useful, im planning to move there in few months (if i don't change my mind)..thanks for posting

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Postby SahanGalbeed » Sun Feb 03, 2008 3:27 pm

Good read, tired of all these lil punks and their gangs !!

User avatar
MJ-Pride
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8362
Joined: Tue Mar 13, 2007 8:16 pm
Location: ^Removing the fake Cimaamad and shaving the fake beards of these thugs

Re: Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Postby MJ-Pride » Sun Feb 03, 2008 3:34 pm

Who cares. another Small time news by the ILkoyare sheegato

User avatar
Kismaayo21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2351
Joined: Wed Jul 18, 2007 8:48 pm
Location: Jaziiiraaa beachh

Re: Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK.

Postby Kismaayo21 » Sun Feb 03, 2008 3:36 pm

used 2 live there back in the day niec place better then australia i gt 2 say


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 71 guests