HMN):-xaalada magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Galabta kacsan waxaana ladareemayaa Xiisada Colaadeed oo ay dhinacyada isdiidan ugu diyaar garoobayaan dagaal lagu hoobto.
Kadib dagaal qaraar oo Xalay Muqdisho ka dhacay ayay Xaalad magaalada Muqdisho maanta degantahay marka laga reebo Cabsi dhinaca colaada ah , kooxaha Muqaawamada Soomaaliya ee diidan joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Siyaasada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Sacaddaha soosocda ay dagaal kulul ku qaadaan xarumah Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ila wareedyo madax banaan ayaa Shabakadda Wararka Huriwaa.com usheegay in caawa ilaa iyo Beri ay Muqdisho ka dhici karaan dagaallo aad culus marka loo eego Diyaar garoowga ay Muujinayaan labada dhinac, kooxaha waxiska caabinta ayaa Xalay Weerar ay kuqaadeen Ciidadamada Booliska dowlada Federalaka Soomaaliya ku qabsaday saldhigga Booliska degmada Hodon iyo Afduub ay ugaysteen Taliyihii Saldhigga Cali Madoobe.
Huriwaa.com Muqdisho




